|

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Oo Meelmariyay Xeerka Saxaafadda Soomaaliya

Muqdisho,28Dec,2015(QJ/SDN)-Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii maanta waxay ku meel mariyeen hindise sharciyeedka Saxaafadda qaranka.

Fadhigoodii maanta oo ay soo xaadireen 142 xil-dhibaan,ayaa waxay cod gacan taaga ku oggolaadeen xeerka saxaafadda qaranka,kaasoo ay 139 xubnood u codeysay halka Saddex ay mudane ka aamustay , mana jirin cid diidday sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo shir guddoominayay kulankii maanta.

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Wasiiru dowlaha Warfaafinta Maxamuud Cabdi Xasan Beekoos ayaa Xildhibaannada Baarlamaanka uga mahadceliyay sida ay u meel mariyeen sharciga saxaafadda.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jawaari ayaa mas’uuliyinta Wasaaradda Warfaafinta kula dar daarmay inay dhaqan geliyaan sharciga saxaadda, ay hawsha ay qabanayaan wariyeyaashu ugu dhiirradaan,loona waajibaadka saaran iyo waxa saxafigu xaqa loogu leeyahay.

Comments are closed