|

“Baarlamaanka Dood ka dhigay miyeynu Dalka u fasaxnaa Bangiyada ku shaqeeya Ribada, waxaan leeyahay Dadkii baa soo ootey..” Sheekh Aadan Siiro

Hargeysa, 16 January, 2016-(SDN/QJ): – Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa ka hadlay Xeerka Baananka Ganacsiga oo hor-yaalla Golaha Wakiillada isla-markaana Culimada kale ee Dalku ka digeen in la ansixiyo, iyagoo ku doodaya inuu jideynayo Ganacsi ku dhisan Ribo.

ADAN-SIIRO-TNNSheekh Aadan-Siiro oo Khudbaddii Jimcaha ee Shalay ku faahfaahiyey Qadiyadda Xeerka Baananka Ganacsiga ee muranku ka taagan yahay, ayaa sheegay in Shacabka Somaliland ku heshiiyeen inaan lagu dhaqin wax kasta oo ka hor-imanaya Shareecada Islaamka, sidaa daraadeedna Xeerka Baananka Ganacsigu aan loo baahnayn hadduu jideynayo Ganacsi Ribo ah.

“Maalmahan waxa ka jiray Golaha Wakiillada Somaliland dood ku saabsan bangiyada ku shaqeeya Ribada, innaga oo doonayna inaanu u dirno (Farriin) Baarlamaankaa Ummaddu dooratay ee dood ka dhigay miyeynu Dalka u fasaxnaa Bangiyada ku shaqeeya Ribada.” Ayuu yidhi, Sheekh Aadan-Siiro, waxaanu intaa sii raaciyey, “Haddaynu nahay Somaliland maxaynu ku heshiinay, waxaynu ku Heshiinay wax kasta oo ka hor imanaya Shareecada Islaamka laguma dhiqi karo Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaan ka hadlayaa in la raaco Xukunka ILAAHAY (SW), taasi oo ah ta aynu ku naaloonayno ee aanu Somaliland ku taageersannahay Wakhti ay doonto ha qaadatee. Waa in si Caqli iyo Xikmadi ku jirto loo fuliyo Shareecada innaga oo aan ka badbadineyn, innaga oo aan ka gaabinayn, laakiin, ay tahay inaynu qabanno wixii aynu qaban karno, in badana aynu ka fogaanno Waxyaalaha Shareecada ka hor-imanaya. ILAAHAY wuxuu yidhi qofku marka uu diido wixii ILAAHAY soo dejiyey in lagu kala saaro, kuwaasi Iimaan may helin.”

Sheekha oo sii hadlaya, waxa uu farriin u diray Ashkhaasta wada Xeerka lagu muransan yahay, waxaanu yidhi, “Qolooyinka wada (Xeerka Bangiyada) ee l eh Somaliland baa lagu Ictiraafayaa, waxaanu leenahay Ictiraafka aad sheegayso Kitaabka ILLAAHAY baa ka horeeya, umana soconno Ictiraaf la nagu gumaysto.”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud waxa uu tilmaamay in Xildhibaannada Baarlamaanka ay u yaalaan hawlo ka muhiimsan Xeerka Bangiyada Ganacsiga, “Baarlamaanku hadduu doonayo inuu wax qabto wax kale oo badan baa u yaalla oo Dalku wuu dayacan yahay, Ammaankii Dalka ayaa dayacan, Dadkii baa soo wada ootay (baahan) dabaqado Nololeed baa samaysmay. Markaa idinka oo aan ILAAHAY dagaal la gelin hawlo kale oo inaynu qabanno ay tahay baa jira oo aynu Dadkeena ku badbaadinayno.”ayuu yidhi.

Comments are closed