|

Baarlamaanka dalka Iran oo doonaya in ay suaalo weydiiyaan Axmedinijad

Tehran Feb 08,2012(qurbejoog.com)-Madaxweynaha dalka Iran ayaa lagu wadaa in ay dhawaan u yeedhaan madaxweynaha dalkaasi Maxamuud Axmedinijad si ay suaalo dhawr ah u weydiiyaan.

Xildhibaanada ayaa lagu wadaa in ay u yeedhaan madaxweynaha labada maalmood ee inagu soo fool leh,xildhibaanada ayaa dhawr jeer oo hore ku goodiyay tilaabo tan la mid ah.

Xildhibaanada ayaa doonaya in ay madaxweynaha weydiiyaan suaallo la xidhiidha Dhaqaalaha dalka,siyaasada arrimaha dibedda iyo sababta uu u eryay wasiiro xukuumada ka tirsanaa.

Ma cada in madaxweynuhu baarlamaanka hor tegi doono ka hor doorashooyinka lagu wado in ay dalkaa ka dhacaan bisha inagu soo fool leh labadeeda.

Dalabka baarlamaanka Iran ayaa ku soo beegmaya xili xurguf siyaasadeed oo u dhexeysa hogaamiyaha ruuxiga ah ee dalkaasi Ayatollah Cali Khamenei.

Sidoo kale waxa iyana jirta in Iran ay ku hafaneyso culeys uga imanaya reer galbeedka oo salka ku hayaa barnaamijka Iraan ee Neclearka.

Dastuurka dalkaasi ma cadeynayo wax dhici kara sharciyan hadii madaxweynuhu hortegi waayo baarlamaanka dalkaasi.

Qurbejoog-Tehraan
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed