|

Baarlamaanka Dalka Ingiriiska Oo Go’aamiyey Inay Saddex Sanadood Shaqada Laga Joojiyo Saacada Astaanta U Ah London !

London 14. April 2017 (SDN/QJ):- Saacada Bin Beg waxay Astaan u tahay Magaalada London ee Caasimada Dalka Britain, saacadan ayaa shaqaynaysay muddo 158 sano ah waxaana la joojin doonaa saacada muddo saddex sano ah si looga shaqeeyo.

Saacada Big Ben ayaa la sheegay  inay tahay saacada ugu caansan Adduunka sidoo kalena waxa lagu tilmaamaa Saacadaasi inay had iyo jeer tahay mid aad u saxsan oo hakad ama qalad ah aanu marnaba galin shaqadeeda, sidaasi awgeedna waxa loo yaqaanaa inay tahay saacada ugu saxsan saacadaha ka shaqeeya Dunida.

Dib u habaynta iyo ka shaqaynta saacadan Caanka ah ayaa waxa ansixiyay Baarlamaanka Dalka Britian waxaanay go’aan ku soo saareen in sanadkan 2017ka la joojiyo shaqada saacadaasi oo ay taagnaato saddex sanadood, waxaanay sheegeen in qiimaha Dib u habaynta saacadaasi uu kalifayo lacag dhan 42.4 Milyan oo Dollar-ka Maraykanka ah, waxaana xusid mudan in Saacadani aanay hal Il-bidhiqsina ha ahaatee aanay istaagin muddo 158 sano ah, sidoo kalena aanay ku waxyeeloobin gantaaladii lagu ganayay Magaalada London xilligii uu socday Dagaalkii labaad ee Adduunku.

Comments are closed