|

Baarlamaanka Britain Oo Aqoonsaday Dawladnimada Falastiin

London:Oct,14,2014(SDN/QJ)-Golaha Baarlamaanka Dalka Ingiriiska, ayaa cod aqlabiyad ah ku meelmariyey baaq ku aaddanaa in dawladoodu aqoonsato dawlad falastiiniyiintu yeeshaan.

briWasiirada dowladda ayaa ka gaabsaday in ay codkooda ka dhiibtaan mooshinka, waxana ay fadhiyeen goobta codbixintu ka dhacaysay, balse gacantooda waa ay ka laabteen goobtaas xaqa falastiiniyiinta loogu codaynayey.

Hasayeshe natiijada ma aha mid wax ka badelaysa siyaasada Britain ee ku aadan aqoonsiga Falastiin, laakinse waa un astaan muujinaysa inay Golaha dhexdiisa laga dareemayo xaq reer Falastiin ee la duudsiyey.

274 xildhibaan ayaa u codeeyey mooshinka, halka 12 kalena ay diideen, waxana ay taasi muujisay sida ay baarlamaanku u taageersan yihiin xaqa falastiiniyiinta .

Dadka Khubarada ku ah siyaasadda, ayaa sheegaya in natiijada ka soo baxday mooshinka ay ka turjumayso aragtida laga qabo Israa’il ee inta badan shacabka Yurub ay ka qabaan, arrintaas oo sii xoogeysatay horaantii sanadkan kaddib markii Israa’il ay weerar ku qaaday Qaza.

2012-kii Gollaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey ayaa u codeeyey in uu sara u qaado heerka Falastiin ee Qaramada Midoobey waxaana loo ogolaaday in ay noqoto korjeego aanan xubin ka ahayn Qaramada Midoobey.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed