|

Baarlamaanada Carbeed oo Sheegay inay Hiil Siyaasadeed la Garab Joogaan Sidii Libiya Xal Nabadeed loogu Soo Dabaali lahaa

Qahira 13. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Xafiiska baarlamaanada carbeed ayaa shaaciyey inay taageero la dhinac taagan yihiin qorshayaasha ku aaddan sidii xal waara oo nabadeed loogu heli lahaa mashaqada amni iyo ta siyaasadeed ka taagan dalka Liibiya.

Xafiiska oo soo saaray war murtiyeed ka turjumaya kulan madaxeedkii baarlamaanada carbeed ee dhowaan dhamaaday ayaa sheegay in wadamada jaarka la ah dalka Liibiya sida Masar, Aljeeriya iyo Tunis ay wadaan qorshe wadajir ah oo la doonayo in hore loo sii wado wadahadalada nabadeed ee Liibiya, si dhabbaha loogu xaadho xalinta dhibaatada wadankaasi ka jirta, loona ilaaliyo midnimada dhulkooda iyo bulshadooda.

Dr Mashcal bin faham Gudoomiyaha baarlamaanada carbeed oo shir gudoominayey kulankii baarlamaanada carbeed ee Qaahira lagu soo gebagebeeyey ayaa waxa uu u soo jeediyey wadamada deriska la ah Liibiya inay mideeyaan dadaaladooda ku aaddan Liibiya si ay u gaadhaan xal kama dambays ah.

Comments are closed