Baaq Ku Wajahan Bulsho-weynta Reer Somaliland Dowlad Iyo Shicibba.
Waxaynu ku khasbanahay, inaynu ku haminno, u hiloowno una hawl galno shaqo-abuur dhamaystiran oo dalkeena ah.
Waxay durmarkeenu ku habaartami jireen waayadii hore ‘afka qidhim lagaa sii’.
Qalinkii: Rashiid Sulub Caalin. Email:sulub2007@yahoo.com Tel:0634426781
Sida ay badankeenu wada ogsoon yihiin, dowladaha aduunweynaha kale ka jira iyo shicibkooduba waxay muhiimada ugu weyn ay siiyaan badankoodu marka ay timaaddo adeegyada bulshada ay u qabtaan waxa weeyi; Inay sameeeyaan shaqo-abuur, Iyagoo aan waxba kala hadhin aqoon, xoog iyo maalba inay suurtogal ka dhigaan shaqooyin inay u sameeyaan bulshada waddamadooda ku nool ee muwaadiniinta ah. Haddaba, si ay hawshaas guul uga gaadhaan ugana midho dhaliyaan waxay la yimaadaan qorshayaashan iyo kuwe kaleba:
- Ku xisaabtanka waqtiga ay joogaan iyo aayaha dambe inay carruurtooda u abuuraan mustaqbal wanaagsan oo nolol loo sii diyaar gareeyo.
- Inay abuuraan shaqooyin dadku ay ka faa’iidaystaan, oo ay kaga baxsadaan shaqo la’aanta iyo ragaadinta dhaqaalaha waddanka.
- Waxay la yimaaddaan qorshe qorshayaal muddada dhow iyo ka fogba, oo ay ku salleeyaan umaddooda sidii ay shaqo ugu abuuri lahaayeen, iyagoo ku xisaabtamaya dadka awoodooda, aqoontooda, tiradooda iyo baahiyaha jira waddankaas amma soo bixi doona.
- Waxa kale, oo qorshayaashooda u muhiim ah, inay ku xisaabtamaan faca jooga iyo jiilma iman doona. Sidoo kale, inta leh aawood shaqo fulineed ee shaqaysan karta iyo lab iyo dheddig sida ay shaqo u heli kari lahaayeen iyadoo la eegayo xirfadahooga. Xataa waxa shaqo loo abuuraa dadka naafada ah, iyadoo loo samaynayo shaqada ku habboon.
- Inay shaqooyinkii hore u jiray ee kala duwan ay koolkooliyaan kolbana boodhka ka tumaan, isla markaana farsamooyinka casriga ah (technology) ku fadhiisiyaan oo hore mariyaan.
- Abuuritaanka duruufo iyo xaalado amma jawi fududaynaya in bulsho weyntu ka wada qeyb qaadato fursadaha jira waqtigaas. Xitaa waxay dadkooda u hagaan inay waddamada kale dhaqaale ka soo galiyaan dalkooda lana daryeelo shaqaalaha waddamo kale u shaqo tagaya.
- Inay sameeyaan wixii sharci ah ee aan dabar ku noqonayn in shaqo abuur baahsan la sameeyo iyo in shaqada lagu nabadgalo, oo ay noqoto mid caafimaad qabta isla markaana joogto ah (sustainability).
- Inay had iyo jeer u heellan yihiin tartanka waddamada kale ka dhexeeya ee xagga abuuritaanka shaqooyinka iyo sare u qaadidda aqoonta shaqaalaha.
- Inay soo jiitaan maalgashiyada shaqooyinka abuuraya, iyadoo shacabkuna ay madaxdooda ku doortaan kuwa ay ku tuhmayaan inay shaqooyin u abuuri doonaan.
- Waxa kale, oo ay bulshadu ka qeyb-qaadataa warbixinadda, daraasadaha iyo saadaalaha ku lug leh shaqo-hore hagaajinta iyo joogtaynta shaqo abuurka.
- Waxa si wada jir loogu wada gaashaaman yahay, oo agtooda qiimo ka leh, isla markaana ay maskaxdooda iyo aqoontooduba ku fadhida ka shaqaynta, u hilowga, ku hamigga iyo ka midho dhalinta abuuritaanka shaqooyin waddamadooda wanaag u soo jiida.
- Inay la yimaadaan qorshayaal kaabaya marka qofku uu hawlgab noqdo, oo uu jiilba jiil masruuco.
Haddii aynu u nimaadno Somaliland, xaalada ay shaqo la’aanta iyo shaqo yaridu ay marayso maanta gude iyo debadba waan ka wada dheregsanahay. Waxaanan odhan karaa, anigoo aan cidna farta ku fiiqayn intii aynu waddanka Somaliland dib ugu soo noqonay marka laysku geeyo, inaynaan wax la sheego oo macne leh aan la qaban shaqo abuurkii loo baahnaa guud ahaan, isla markaana ay jirto hargasho weyn sida ay doonto ha u dhacdee. Sidoo kale, waxa muuqata inaan lala iman dedaal xoog leh oo wax lagaga qaban karo xaaladda ugu weyn ee ina soo wajahday oo ah shaqo abuur iyo shaqo hagaajin.
Waxaana wax mucjiso ah amma layaab leh igu noqotay, in iska daa wax la qabtee aanad maqlayn ka sheekaysigeedii, ka wada tashigeedii iyo qorshaheediiba aanay miiska saarnayn. Waxaana kuu xaqiijinaya oo aynaan meel dheer ka doonaynin, haddii maanta ay beeli ku dhawaaqdo shir beeleed ay bulshadeenu miiska soo dhigayso cudud waxaynu haynay ee lahaa maal, xoog, iyo fikirba!
Shaqo-la’aantu maanta karka, kadeedka iyo xanuunka ay inagu hayso, waxaynu wada ogsoonahay in sannadkiiba tiro badan oo arday ahi ay ka soo baxaan jaamacadaha iyo iskuuwadda gude iyo debadba Sidoo kalena, waxa magaalada maalin kasta ku soo qul-qulaya xoola dhaqatadii iyo beeralaydii, oo xooggoogii uu dayacmayo meeshii ay ka yimaadeen iyo halka ay u soo kicitimeen. Taasi, oo iyaduna culayskii jiray mid ka weyn ku sii siyaadinaysa. Waxa intaa raaca, dad badan oo ajaanib ah oo waddanka soo galay, oo shaqooyin badan qabta, imikana shaqooyin badan inagala wareegay. Waxaanad arkaysaa dhalinayaro badan oo suuqa meel hanaabaya amma hamigoodii jabay oo himiladoodii gudhiyey. Waxa kale, oo aad arkaysaa waxyaalaha ay shaqo la’aantu dhalisay oo ka mid ah.
- In xooggii bislaa ee lagu faani lahaa ee laga haqab beeli lahaa uu beer daroowaayo, oo da’dii u dhaxaysay 45-60 jir waxay ku shaqaystaan odayeyn oo waxay qaataan cumaamado iyo bakoorado, iyagoo mar-marna qaladaad gala si ay u ceeshaan. Halkaasna qofkiiba ay kaga lumayaan 25 sannadood oo xoog dihin ah oo cidlo ku dhacaya. Taasoo keenaysa dibu-dhac weyn oo xagga horumarka ah iyo la tartanka adduunka.
- Dhaqan xun oo soo baxay, oo uu qofkii kaga cararayo shaqo la’aantii, isagoo ku mashquulaya olalayaal aan macna buuran lahayn oo qaarkood bulshada lagu jiho habaabinayo, iyadoo la raadinayo lacag deg-deg ah iyo faa’iido deg-deg ah sax iyo khaladba.
- Inay da’ yarteenii badaha iyo saxaraha isku tuuraan, iyagoo garawsan inaanay halkan waxba ka helayn oo niyad jabsan.
- In wax-soo-saarkii (resource) oo yaraaday ay dhalisay, in qof walba oo wax haysta amma dowlad ku jira ay baqdini ku abuuran tahay, oo ay is leeyihiin wax walba ka horraysii qofkaaga, reerkaaga iyo kooxdaada wax baa la waayeyaaye, oo kordhiso intaad kordhisan karto. Taasoo halaag ku ah qaab-dhismeedka nolosheena oo dhan. Sidoo kale, waxa waxyaalahan ka soo baxay dhaqano dib inoo reebaya oo ay ka mid yihiin, ka faa’iidaysi la’aan waqtiga ah, hadal badni iyo hawl yaraan iyo isku hallayn cid kale. Iyadoon waxbaba la kala jeclayn, oo wanaaggii uu hoos marayo xumaantiina kor ay marayso.
- In qurbe jooggii iyagana sandulle lagaga dhigo, inay si joogto ah u soo biiliyaan reerahooda oo aanay nafis helin. Bulshadii waddankuna ay meel kale uun wax ka dhawraan.
- Waxa abuurmay dabaqado si fudud oo qayrul sharciya ku helaya lacag badan oo qeyrul xadda, taasoo niyad jabinaysa dhalinyaradii inay shaqo u dhabar adaygaan markaana ay manfaceeda helaan.
- Inaynu ku tiirsanaano oo aynu dhowrno gacan shisheeye, taasoo iyaduna dhibteeda wadata.
- Xanuun maskaxeed iyo mid dhaqan oo inagu dhacay. Waxaana weeyi u adkaysi la’aan xaggii shaqada saacado badan. Iyadoo la inaga daboolay ka faa’iidaysiga khayraadka baddeena iyo dhulkeena ku jira.
- In wixii danaheena iyo horumarkeena dib u dhigaya sida qaadka oo kale oo aakhiro inoola daadegay iyo kooxaysi amma nin jeclaysi aan macnaha ku fadhiyin laga waantoobo.
- Waxa iyaguna aan waxba soo kordhin ilaa maalintii waddanka la soo galay wufuud timaadda iyo siminaarro la qabto, oo aan badankoodu midho-dhal lahayn, in laga digtoonaado oo faraha laga qaado.
Hawlahaas aan kor ku soo sheegay oo aynu ka wada dheregsanahay, ayaa ujeeddaydu waxay tahay anigoo raacaya waajibka muqadaska ah ee rabbigeena iyo rasuulkeenuba ina fareen ee ah inaynu wanaagga is farno xumahana iska reebno. Isla markaana u damqanaya danteenii guud ee laga haajiray iyo anigoo aan is bidayn maskax iyo aqoon dheeraad ah oo aan dadka dheerahay, waxaan u soo jeedinayaa dowlad iyo dadweynaba, inaynu dhalinyaradeena aynu shaqooyin u abuurno, oo aynaan ka werwereegin dhibta ugu weyn ee ina haysta oo aynu wajahno. taasoo ay danteena guud ku jirto. Sidoo kale, waxaynu ku khasbanahay marka laga yimaaddo waxqabadka, inaynu ku hamino oo aynu ku hiloowno, oo ay hadalhaynteenu u badato shaqo-abuur. Waxaanan maqli jiray dumarka oo ku habaari jiray dadka ‘afka qidhim lagaa sii’. Waxaanan garan la’yahay waxa afkeena u diiday inay xataa ku hadaaqno shaqo-abuurka. Maxaa yeelay wixii afka ku bata waa la sameeyaa marka dambe. Markaa aynu ku heesno, ku hadaaqno, ku hamino, ku hawlgalno, ku haasawno shaqo abuur, shaqo abuur……. Waxaana jirta maahmaah Iingiriisi ah oo odhanaysa ‘boqolkiiba shan 5%oo aad wax qabatay waxay ka fiican tahay boqolkiiba boqol 100% oo waxba la’aan ah.
Waxaanan ku kalsoonahay, haddii aynu isku gayno cududeena, xoolaheena iyo maskaxdeena aynu ka faa’iidaysan karno khayraadka dalkeena iyo farsamooyinka ku dihin maskaxaheena fayow. Waxaana hubaal ah inaynu haysano maskaxihii dejin lahaa oo ay maqaaxiyaha iska fadhiyaan oo aynaan ka faa’iidasanayn, isla markaana uu khayraadkeenu dihin yahay oo haddana la dacal marayo.
Waxa iyaduna muhiim ah, in aan waalidku ka fikirin kaliya sidii ay ubadka calooshooda u buuxin lahaayeen, laakiin ay ka talada ku darsadaan sidii ay maskaxda ubadka u dhisi lahaayeen si ay ula jaan qaadaan horumarka adduunka ka socda.
Waxaan ku soo koobi lahaa, in hadda iyo wixii ka dambeeya marka aynu cid la xisaabtamayno amma doorashooyin aynu galayno aynu doorano ninkii amma xisbigii shaqo abuuraya, oo ay dadku sidaa mid ku noqdaan dantoodana eegaan. Waxaanan Ilaahay ugu mahad celinayaa raxmaadkii uu inoo shubay ee uu inaga dul qaaday abaartii ba’nayd. Waxaan Ilaahay ka baryeyaa inuu ina waafajiyo tubta wanaagsan.
Wabillaahi towfiiq
La soco raxanta baaqyada is daba socda ee aan umadda uga fursan waayey.
Qalinkii: Rashiid Sulub Caalin. Email:sulub2007@yahoo.com tel:0634426781