Baaq iyo Bayaan 10 qodob ah oo ay wada jir u Soo Saareen Aqoonyahanka, Waxgaradka iyo Haweenka Somaliland ee Degan Galbeedka London
London April 12,2015(SDN/QJ)- Shirweyne ay isugu yimaadeen Aqoon-yahanka,Salaadiinta, Waxgaradka iyo Haweenka Somaliland ee Degan Galbeedka Caasimada London ayaa waxay ku falanqeeyeen Shirkaa xaalufinta ay xukuumadu ku hayso Assadkii iyo Agabkii uu shacabka Somaliland wada lahaa iyada oo aan loo soo marin sife tar-tan xalaal ah oo u furan muwaadiniinta Somaliland oo dhan laakiin ay xukuumadu caadeysatay in ay u xidho, u xanibto oo ku naas nuujiso shaqsiyaad gaar oo ku xeeran qoyska madaxtooyada iyo qaraabadeeda, waxaana shirkaa laga soo saarey bayaankan qodobeysan ee hoose:
1- In hantida guud ee lahaanshaheeda ama ka faaideysigeeda loo baahdo ay marwalba xukuumadu ku wareegiso sife xalaal ah, Xaliibnaan ah oo waafaqsan xeerarka iyo dastuurka dalka u yaala.
2- Waa in Xukuumadu sugto oo cadaysaa sababaha keenay in hantida maguuraanka ee qaranka la xaraasho ama la kireeyo waqtigan xaadirka ah ee kala guurka ah.
3- Waa in Xukuumadu dhameystirtaa sharciyada u gaarka ah ( private low and public private partnership low) sharciyadaas oo si cad u qeexaaya sifooyinka iyo nidaamyada lagu wareejin karo, ama lagu kireyn karo hantida maguuraanka ee qaranka Somaliland.
4-Waa in ganacsatada yar yar , kuwa dhexe iyo kuwa waaweynba si hufan oo cadaalad ah loogu soo bandhigaa nidaamka loo maraayo qandaraasyada qaranka si loo yareeyo cadaalad darada, qaraabo kiilka, muranka iyo khilaafka dalka ragaadiyey waayadan danbe.
5- Waa In Xukuumadu hakiso Shirkadaha waraaqaha maalgashiga ka soo dhameystay dawlada federaalka ah ee Soomalia ee doonaya in ay maalgeliyaan Dekeda Berbera si ay gacanta ugu dhigaan halbowlaha haba qaranka Somaliland.
6- Waa in hadii Deked la maalgelaanayo loo daayaa Dekeda hada jirta sideedaa hore oo Deked Cusub oo shaqo abuur cusub soo kordhisa maal gelin xalaal ah loo raadiyaa ee aan marna la ogolaan in ibta keliya ee Somaliland u irmaan in nin shisheeye ihi gacanta ku dhigo oo kontoroolo dhaqaalaha iyo xogta Somaliland, waxaana tusaale wax lagu qaato inoogu filan arinta hada ka taagan Dekeda D-Jabuuti.
6- Waa In Xukuumadu salka u dhigtaa Siyaasad guud oo hagta Maamulka guud ee dhulka Somaliland maadaama la ogaaday in ilaa iyo dhulkii xeryihii ciidamada qaranka Somaliland waraaqo loo sameystay oo loo soo dhigtay.
7- Waa in falkin, farsamo cusub, kaabis iyo wax ka bedelis deg-deg ah lagu sameeyaa xeerarka dhulka u yaala oo dhan oo hada wada fashilmay.
8- Waa in aanay ogolaan Xukuumadu in qaar ka mid ah Tuujaarta waaweyn ee Somaliland ay ku milmaan maamulkii dawladnimo oo si sahlan ula wareegaan Goobihii ahaa Assadkii ummadda iyo Goobihii Taariikhda Somaliland huwanaa sida Kheyriyadaha maagaalooyinka waaweyn ee dalka.
9- Waa in ay Xukuumadu u soo bandhigtaa Shacabweynaha reer Somaliland xeerarkii seeska u ahaa ee ay waafajisay tasarufka ba’an ee ay xukuumadu ku hayso hantida maguuraanka ee Qaranka Soomaliland waayadan danbe.
10-Markii si qoto dheer looga wada hadlay loona qaadaadhigay xaalada dhaxal wareejinta ee Dekeda Berbera ku soo fool leh bisha 15 /6/ 2015 iyo Halbowlayaasha kale ee Dhaqaaluhu ka soo baxo ee dalka oo dhan, Waxay gudiyadii shirkaa lagu doortay ay ku heshiiyeen in meel looga soo wada jeesto Awood sheegashada dawlada iyo ku xadgudubka hantida maguuraanka ah ee Qaranka Soomaaliland.
Alleh Ayaa Mahad Leh,
Waa Bilaahi- Towfiiq
Gudida Qurbe-jooga Somaliland ee
Galbeedka London