Baanka Dhexe Ee Somaliland Oo Soo Bandhigay Qorshaha Uu Ku Shaqayn Doono Shanta Sannadood Ee Soo Socda DAAWO
Hargaysa 02. November 2017 (SDN/QJ):-Maamulka sare ee Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa soo bandhigay Jaangoynta Qorshaha iyo nidaamka waxqabadka ee 5-ta Sanno ee soo socda uu Baanka dhexe ee dawladdu ku shaqayn doono.
Shirkan Shalay ay magaaladda Hargeysa ku qabteen madaxda iyo maamulka Bangiga dhexe ee dawladda Somaliland, kana soo qaybgaleen Guddoomiyaha Baanka dhexe md Maxamed Axmed Dhoobaale, Agaasimaha Baanka dhexe Md. Cabdilaahi Xasan Aadan, Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada Somaliland Maxamed Muuse Abees, Madax ka kala socotay Xawaaladaha, Bangiyadda ganacsiga ee gaarka loo leeyahay, Guddida Sarifleyaasha iyo Madax kale, ayaa ka soo qayb-galay.
Agaasimaha Baanka dhexe Md. Cabdilaahi Xasan Aadan oo ugu horeyn halkaa ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey Barnaamijka 5 sanno ee soo socota uu ku shaqeyn doono Baanka dhexe ee Dawladdu, waxaanu yidhi “Waxaanu halkan ku soo bandhigaynaa siyaasadda Bangiga dhexe ee dawladda lagu maamuli doono iyo Qorshaha jaangoynta 2018-ka ilaa 2022-ka, cidda aanu marka dooneyno inay wax ka ogaato, waa hay’adaha aanu xidhiidhka leenahay ee aanu anagu Liisanka siinay isla-markaana aanu kormeerka ku sameyno, bangiga dhexe ee dawladdu waxa uu ilaa 3-dii bilood ee ugu dambeeyey ku mashquulsanaa jaangoynta Mashruucan,, waxa kale oo aanu ku mashquulsaneyn dib u habeynta iyo dib u eegista xeerka shaqaalaha Bangiga oo la waafajiyey xeerka Baanka dhexe oo dib loo habeeyey, in uu Baanku ka guuro habkiisii hore ee uu ku shaqayn jiray oo uu u guuro habka Casriga ee (IT)-ga”
Mid ka mid ah khuburada diyaariyey qorshaha 5-ta sanno ee soo socota ee Baanka dhexe ee dawladda Somaliland ku shaqayn doono oo halka macluumaad dheeri ah ka bixiyey waxa uu yidhi “Intii aanu wadnay habeynta qorshaha shanta sanno ee soo socda uu Bangiga dhexe ee dawladdu ku shaqayn doono, horta koox ahaan wada jir ayaanu arintan uga shaqaynaynay, waayo wax hore u dhacay maaha, marka baanka Somaliland shaqaalihiisu, waa dad khibrad leh, cilmi leh, waana dad aan maanta runtii odhan karo mustaqbalka Baanka dhexe ee dawladda kor ayey u qaadi karaan”
Sarkaal kale oo ka mida khuburadii ka soo shaqeeyey Jaangoynta Barnaamijka qorshaha 5-ta sanno ee soo socda ayaa yidhi “Nidaamkan cusub waxa lagaga guuri doona laamaha kala duwan ee Bangiyadda hoos yimaadda Baanka dhexe ee dawladda oo ku shaqayn jiray Teebka gacanta lagu garaaco iyo agab kale oo hadda laga guuray, marka runtii labadii sanno ee ugu dambeeyey waxaan odhan karaa Baanka dhexe ee dawladda Somaliland wuxu ku talaabsaday qaab casriga ee (IT)-ga, kaasi oo wax badan fududeeyey shaqadii iyo adeegyadii uu qaranka u qaban bangigu”
Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada Somaliland Maxamed Muuse Abees oo isaguna halka ka hadlay ayaa soo dhaweeyey dedaalka masuuliyiinta Bandhiga dhexe ee isku hawlay sidii ay u horumarin lahaayeen adeegyada Baanka dhexe ee Dawladda.
Guddoomiyaha Baanka dhexe Md. Maxamed Axmed Dhoobaale oo ugu dambeyntii isaguna hadal ka jeediyey shirkaasi waxa uu yidhi “Maaddaama oo aanu hayno Bangigii ganacsiga Somaliland hawshiisii, shaqadiisii aanu haynay ee xaga Shilinka ah ee inuu ku shaqeeyo waata nagu soo kordhisay in aanu lacagta shilinka ee Mobile-da lagu isticimaalo sameyno si aanu u la jaanqaadno E-DAHAB iyo ZAAD, taasi ayaa waxay keentay in aanu sii wadno wixii tallaabo ee loo baahan yahay ilaa iyo inta ay bangiyadda gaarka loo leeyahay ee ganacsigu na gala wareegayaan bangiga ganacsiga ee Somaliland. Taasaana lagu horumarayaa runtii, bangiyada gaarka loo leeyahayna aad ayaanu u soo dhaweynaynaa runtii, waayo? shaqo laxaad leh ayey hayaan oo shaqo aad iyo aad ayey qaranka u qabtaan anaguna wixii ay sharciyad iyo la shaqayn nooga baahan yihiin waanu u diyaarinay”.