Baanka Dhexe ee Somaliland oo Ooda ka soo qaaday Lacago Cusub oo uu Suuqa ku soo daayay Iyo Sababaha Keenay
Hargaysa 17.Dec 2014 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Cabdi Dirir Cabdi oo Warbaahinta kula hadlay Magaaladda Hargeysa ayaa faa-faahin ka bixiyay qaabka ay kula tacaalayaan sidii Sarifka Dolarka hoos loogu dhigi lahaa, ka dib markii uu mudooyinkii u dambeeya kacsanaa.
Waxaanu yidhi “Ujeedadu waxa weeye Doolarka oo baryahan Kacsanaa ayaanu doonaynaa inaanu soo dejino, markaa ayaanu Doolar badan suuqa soo galinay. Mar haddaan dekedu aad u shaqaynayn oo wax uga soo degayn, kol haddaan xoolo jirin la dhoofinayaa, wakhtigan waa iska dhacdaa in Doolarku kaco dabeedna anagu aanu soo dejino inta uu soo gaadhayo Qiimo macquul ah”
Cabdi Dirir Cabdi Guddoomiyaha Baanka dhexe oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Sixir Bararka anagu shaqo kuma lihin ee Ganacsatada ayaa samaysa oo dadka Sixirka ku kicisa laakiin,marka doolarku kaco Sixir barar bay keentaa oo Ganacsatada ayaa kordhiya Sixirka ay alaabta ku iibinayaan” ayuu yidhi Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland.
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com