|

Baanka Aduunka oo sheegay in Maaliyada Soomalaiya korotay

Muqdisho April 22, 2024(QJ)-Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa maanta ka qeyb galay shirka sanadlaha ah ee dib u habeynta dhaqaalaha Soomaaliya oo uu soo qaban qaabiyo Bankiga Adduunka.

Warbixin sanadeedka dhaqaalaha Soomaaliya ayaa sanadkan diiradda lagu saaray sidii wax looga qaban lahaa arrimaha iyo caqabadaha ka dhalan kara isbadalka cimilada oo Soomaaliya dhinacyo badan u saameeyay.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige oo ka hadlay shirka lagu soo bandhigay dhaqaalaha Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay warbixinta uu Bankiga Adduunka ka diyaariyay horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Warbixinta dhaqaalaha Soomaaliya ee Bangiga Adduunka ayaa lagu xusay in kobaca dakhliga gudaha uu kordhay 3.7% sanadkan, waxaana la saadaaliyay inuu kori doono 3.9% sanadka 2025. Sanadkii la soo dhaafay, 2023, warbixintu waxay sidoo kale tilmaantay inuu kordhay 3.1% dakhliga, halka sanadka 2022 uu kordhay. waxay gaadhay 2.4%.

Sidoo kale waxaa shirka ka hadashay wakiilka Bankiga Adduunka ee Soomaaliya Kristina Svensson oo sheegtay in dowladda Soomaaliya ay horumar ka sameysay ururinta dakhliga gudaha iyo dib u habeynta hanaanka maaliyadda dalka.

Comments are closed