|

Baanka Aduunka oo Baaraya sidii loo qeybiyay Mashruucii kobcinta Ganacsiga Somaliland

Nairobi April 23,2013(SDN)-Mashruuc ujeedadiisu aheyd kobcinta suuqyada Ganacsi ee Somaliland oo hore loo shaaciyay shaqsiyaadkii ku guuleysatay ayaa haatan la bilaabay baaritaan ku saabsan sidii loo qeybiyay mashruucaasi.

Mashruucan oo ay maalgeliyeen Baanka aduunka iyo dalalka Mareykanka iyo Denmark ayaa ay suaalo ka soo noqdeen habkii loo maareeyay qeybinta lacagihii la bixiyay.

Wakiilkii Baanka Aduunka ee mashruucan P.mously oo haatan la bedelay ayaa ka dib cabashooyin isdaba jooga sheegay in uu haatan Baanka Aduunku bilaabay baaritaan ku wejahan sida loo maareeyay mashruuca.

Wakiilkii hore ayaa jawaabo uu ka bixiyay cabashooyinka ku sheegay in haatan wakiilka cusub ee Baanka Aduunka u qaabilsan Mashruucan uu durba gudo galay baaritaanada.

Ganacsatada Somaliland ee u tartamay mashruuca ayaa si weyn uga biyo diiday hab beeleed sadbursi ahaa oo mashruucaa loo qeybsaday.

SDN-Nairobi

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed