Baanka Adduunka oo Dalbanaya adduun lacageed oo Dhan 75 Malyun oo Dollar si Gar gaar loo gaadhsiiyo Qaxoontiga Muslimiinta Rohinga
New York 03. October 2017 (SDN/QJ):- Barnaamijka Cuntada aduunka ayaa ugu baaqay Dalalka Qaadhaan-bixiyayaasha ah inay ugu deeqaan aduun dhan shan iyo todobaatan(75)Malyuun oo Dollar oo Gargar degdeg ah, si loo gaadhsiiyo Lixda bilood ee soo socda Qaxoontiga Muslimiinta Rohinga ee laga soo bara kiciyey Dalka Miyanmaar.
Agaasimaha Fulinta ee hay’adda cuntada aduunka ee WFP oo Saxaafada la hadlayey ka dib markii uu ka soo noqdey Kaamka qaxoontiga Musliminta Rohinga ku jiraan ee ku yaala Xuduudka dalka Bangaladhash la wadaago Miyanmaar, halkaas oo uu sheegey in xaalad adagi ay ka jirto.
Waxaanu intaa raaciyey in dadkaasi qaxoontiga ahi ay u baahan yihiin Gargaar deg deg ah oo lala gaadho, si taas loo fuliyana loo baahan yahay in la helo ilaa shan iyo todobaatan malyuun oo Dollar oo ah Gargaar ku filaan kara dadkaasi lixda bilood ee soo socda.
Qaxoontiga Muslimiinta laga tirada badan yahay ee dalkaasi Miyanmaar ee Rohinga ayaa ilaa maanta habqanka Qaxoontigoodu ay ku soo qul-qulayaan dalka Bangaladhash.