Baanka Adduunka oo Afghanistan Ku Caawinaysa Dhaqaale dhan Shan Boqol iyo Labaatan Malyuun oo Dollar
Hargaysa 16. June 2017 (SDN/QJ):- Baanka aduunka ayaa sheegay inuu shan boqol iyo labaatan malyuun oo doolar ay ku caawunayaan dalka Afghanistan si wax loogaga qabto dhibaatooyinka ka soo gaadhay Colaada Daalibaan iyo baahiyaha ka dhashay ka bixitaankii ciidanka maraykanka ee dalkasi.
Bayaan uu soo saarey Banku waxa lagu sheegay in kala badh lacagtasi kalmada ah loo qorsheeyey taageerada dadka barakacay iyo dib u soo celinta qaxoontiga afganistaniyiinta ee ku sugan dalka la jaarka ah ee pakistaan.
Bayaanku waxa uu inta raaciyey in kalmadaasi inteeda kale loogu tala galay wax ka qabashada dhinacyada dhaqaalaha, Cuntada iyo wax ka qabashada dhinaca korontada.
Dhamaadkii bishii Kowaad ee Sannadkan ayaa Baanku qaylo dhaan ka bixiyey xaladda dhaqaale ee dalka Afghanistan oo ka mid ah dalalka ugu saboolsan aduunka.
Waxaanuu Baanku intaa raaciyey, inay aad ugu warwarsan yihiin inaanu dalka afqanistaan awood u haynin inuu dabool ama wax ka qabto baahiyaha ilaa todoba boqol oo dalkaasi ka barakacay markay dib ugu soo Gurya noqdan dalka.