Baalamaanka cusub oo la dhaariyay,guddoomiye KMG ahna doortay iyo doorashadii madaxweynaha oo dib loo dhigay
Muqdisho Aug 20,2012(SDN)-Waxa maanta magaalada Muqdisho kulankoodii u horeeyay ku yeeshay xubnaha baarlamaanka cusub ee Soomaaliya iyada oo xubnaha la dhaariyay oo ay isla markaana iska soo dhexdoorteen guddoomiye KMG ah.
Kulankan oo ka dhacay Garoonka diyaaradaha e Muqdisho ayaa waxa guddoomiye KMG ah loogu doortay Jen Muse Xasan Cabdule.
Baarlamaanka oo maanta lagu waday in ay doortaan madaxweyne cusub ayaaney u suurto gelin isla markaana mudeeyay xiliga doorashada madaxweynaha.
Doorashada madaxtooyada ayaa dheceysa bishan aynu ku jirno 26keeda oo ku beegan maalinta Axada ah ee inagu soo aadan.
Tarkanka madaxtooyada ayaa isugu soo biyo shubtay sadexda masul ee dalka u sareeysa haatan,waana ay adag tahay in la saadaaliyo cida xilka ku guuleysan doonta.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com