Baahinta Natiijada Imtixaanaadka Shahaadiga Somaliland Oo Maanta Loo Ballansan yahay
Hargeysa:Sep,01,2015(SDN/QJ)-Wasaaradda Waxbarashada Somaliland, ayaa lagu wadaa inay maanta oo Salaasa ah si rasmi ah u shaaciso natiijada Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada sare iyo Kuwa dhexe.
Sida ay qurbejoog.com u xaqiijiyeen saraakiil xafiiska imtixaanaadka katirsani, waxa loo ballansan yahay shaacinta natiijada Imtixaanaadkaas oo ku dhawaad lix kun oo arday sugayaan.
Xafiiska Imtixaanaadka qaranka oo xukuumadda u qaabilsan Baahinta natiijada iyo isku dubba ridkeedaba, ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey si weyn mashquul u ahaa, waxana ay ku hawllanaayeen kala hufidda ardayda Tirada badan ee imtixaanka Gashay.
Baahinta natiijada oo goor dhaw loo balan san yahay wixii kasoo kordha wararka dambe nagala socda.
SDN/QJ