|

Baahin Cusub oo Idaacadda VOA oo Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Joojisay Iyo Jebitaanka Heshiis ay hore u wada Galeen DAAWO

Hargaysa 02.Dec 2015 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane C.laahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa Maanta Sheegay in Idaacadda VOA ay Jebisay Heshiiskii ay la Gashay Wasaaradda Warfaafinta.

Hadalka Wasiir Cukuse ayaa ka danbeeyay Kadib Markii Idaacadda VOA Laanteeda Afka Somaligu ay Maalintii Shalay Bilowday Baahin Cusub oo Soo Gashay Saacada Bariga Africa Markii ay Ku Beegnayd 1:30 Duhurnimo,Taas oo Wasaaradduna ka Xidhay Mawjadda Fm ee laga dhagaysto Caasimada Hargaysa Balse Waxaa Sideedii u Socoto Sadexda Baahimood ee Subax,Galab iyo Habeenimo ee Idaacada VOA laga dhagaysto Inkasta oo Wasiirka Warfaafintu uu hoosta ka xariiqay in Baahinta Subaxnimo oo Mudo dheer socotay aanay Ku Jirin Heshiiskii u dhexeeyey.

Comments are closed