|

Baafin ku socoto Shacabka Jabuuti:-K​hadro Diiriye oo baadigoobe​yso Qoyskeeda oo ku nool Dalka Jabuuti

Khadro Diiriye Dharaar Faarax waxa ay aheyd qof uu ku dhacay Cudurka Dhimirka kaasoo keenay in ay in muuddo ay ku nooleed xaalad waali ah,magaalada Qardho ayee soo gaartay waxa ayna halkaani ku sugneyd Bilooyin kadib waxaa xil gaar ah iska saaray Haween Muxsiniin ah oo geeyey xarun shifo ah Illaahayna waxa uu siiyey Caafimaad Xanuunkii iyo dhibkii hayey wey ka caafimaday.

Khadro Diiriye Dharaar Faarax ama Muumino waxa ay ka hadashay markii ay soo laabatay Maskaxdeeda waxwalbana kala saari karto ayaa waxa ay sheegtay in ay tahay qof u dhalatay Dalka Jabuuti,waxa ayna codsaday in Reerkooda loo baadi goobo.

Khadro Diiriye Dharaar Faarax waxa ay sheegtay in ay dagantahay Xaafadda 7-aad oo la yiraahdo Kartoon Meel ku dhow Sariibada,waxa ay sheegtay in ay ka shaqeynjirtay Hotel lagu magacaabo Balfi waxaana maamula ka ah bey tiri Nin la yiraahdo Idiris,Xaafadda ay daganeyd waxaa gudoomiyey ama madaxweyne ka ah Ceeleeye Xooshe,waxay kaloo sheegtay in ay garaneyso Ismaaciil Abtidoon oo mar ahaan Jiray Wariyey kadibna Noqday Wasiir.

Khadro Diiriye Dharaar Faarax waxa ay sheegtay in uu aabaheyd dhintay waxayna tilmaam ka bixisay sida loo raadin karo reerkeeda,waxa ay sheegtay in uu la dhashay Ibraahim Diiriye Dharaar Faarax oo ka shaqeeyo Booliska gaar ahaan qeybta Danbibaarista,markii horana ka shaqeyn jiray Dekada gaar ahaan qeybta Socdaalka,waxaana kaloo walaalkeed loo yaqaanaa Xasan.

Khadro waxa ay sheegtay in aabaheyd uu lahaa Naaneys oo loo yaqaano Diiriye kaambayn waxa ay sheegtay in ay la dhashteen:-
Caasho Diiriye Dharaar Faarax
Xaliimo Diiriye Dharaar Faarax
Maryan Diiriye Dharaar Faarax
Diini Diiriye Dharaar Faarax
Kheyre Diiriye Dharaar Faarax
Ibraahim Diiriye Dharaar Faarax

Khadro Hooyadeed waxa ay ku sheegtay in la yiraahdo Hooyo Bilan Cali Kareeye Abtigeydna waxa ay ku sheegtay Muuse Cali Kareeye
Sidaa darted waxaa qofwalbo oo garan karo khadro Diiriye Dharaar Faarax ama Reerkeeda  in uu la soo xiriiro dadka gacanta ku hayo oo kala ah:-

Fartuun Ismaaciil Maxamed Tell:-25290-7732146.
Faadumo Cabdi Ciise Tell: – 25290- 7738202
Landline Number: – 2525835337

Comments are closed