|

Baadi-doon Hay’da FBI-da Maraykanku Ugu Jirto Nin Soomaali Ah Iyo Qiime Lacageed Oo Madaxiisa La Duldhigay

Washington:30,2015(SDN/QJ)-Shalay Khamiistii ayaa Hay’adda Sirdoonka Maraykanka ee FBI-du waxay ay liiska dadka ay raadinayso ku dartay Muwaadin soomaaliyeed oo  haysta Dhalashada Dalka Maraykanka.

dabeerMuwaadinkan ayey Hay’adda Sirdoonka Maraykanku sheegtay inuu yahay nin Aqoon durugsan u leh Dhismayaasha Magaalooyinka New York iyo Washington ay ku leedahay dawladdu iyo waliba Garoomada Diyaaraduhu ka Hadaan.

Ninkan la doon doonayo oo lagu magacaabo  Liiban Xaaji Maxamed ayey saraakiisha FBIdu ku sheegeen  nin adeegsada magacyo kala duwan oo uu isku qariyo.

Maxamed ayaa ku noolaa waqooyiga Gobolka Virginia ee duleedka Washignton, isagoo taksiile ka ahaa sida ay sheegtay FBIdu.

FBIdu waxey sheegtay in intii uu Washington ku noolaa Maxamed uu ahaa qof al-shabab dhalinyarada u tashkiiliya, isla markaana uu taageero hiil iyo hooba leh u fidiyay al-Qacida iyo al-Shabab.

FBIdu waxey sheegtay inay aaminsantahay in Maxamed uu ka tagay Mareykanka bishii July sanadkii 2012kii, haatanna uu ku noolyahay bariga Africa isagoo la shaqeeya Al-shabab.

FBIda ayaa  sheegtay inay ku bixinneyso abaal marin lacageed oo gaadheysa 50 kun oo dollar – xog kasta oo horseeda in la soo qabto oo  cadaalada la hor keeno.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed