|

Baadhitaano lagu hayo Fadeexado Musuqmaasuq oo Dul-hoganaya Wasaaradda Caafimaadka iyo Isu-duwihii gobolka Hargeysa oo ka hadlay shaqo-ka-joojin lagu sameeyay

Hargeysa 29, May 2012 (Qurbejoog.com/Jam)- Hantidhawrka Guud ee Qaranka iyo Hay’adda La-dagaalanka Musuqmaasuqa iyo Maamul-wanaagga, ayaa baadhitaanno ku haya fadeexado musuqmaasuq oo la xidhiidha gaadiid Wasaaradda Caafimaadku leedahay oo lambarradii dawladda laga furay, iyadoo ay hadda soo baxayaan fadeexado kaloo ku saabsan dhinaca maamulka iyo lacagaha oo dul-hoganaya wasaaraddaas.

Isuduwihii Caafimaadka Gobolka Hargeysa ee shaqada laga joojiyey Mr. Axmed Xasan Goolle oo Jamhuuriya khadka telefoonka ugu warramay shalay, ayaa sheegay in aannu wax lug ah ku lahayn gaadiidka lambarradii GT-ga laga furay ee sababay shaqo-ka-joojintiisa, isagoo ku dooday inuu dacwad ka qabo asbaabaha Wasiir-ku-xigeenku ugu qortay waraaqda shaqo joojinta ah.

Mr. Goolle waxa uu eedaymaha baabuurta lambarrada laga furay ee sababay in isaga shaqada lagaga joojiyo isaga riicay dhinaca Agaasimaha Guud ee Caafimaadka iyo Agaasimaha Waaxda Lacagta ee Wasaaradda, kuwaasoo uu sheegay inay doonayeen in ay iibsadaan gaadiidka lambarradii dawladda laga furay ee sababay in isaga shaqada lagaga fadhiisiyo. “Qoraalka shaqada la igaga joojiyey runtii wasiir-ku-xigeenku way ku khaldantay, awoodna umay lahayn inay soo saarto shaqo-joojin ilaa Hantidhawrka oo baadhitaankooda dhammeeya mooyaane, runtiina tallaabada wasiir-ku-xigeenku qaadday waxaan ka qabaa dacwad.

Baadhitaankii la xidhiidhay gaadiidka lambarrada laga furay weli wuu socdaa oo gacanta ayaa lagu hayaa. Berritoole (Salaasada maanta) ayaad iga warheli doontaan anigoo sita warqaddii dambi la’aanta oo aanan arrintaas wax lug ah ku lahayn, baabuurta lambarrada laga furayna Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo agaasimaha waaxda lacagta ayaa doonayey inay iibsadaan, aniguna wax lug ah kumaan lahayn, shirqool la ii samaynayey bayna ahayd oo toban sanno ayey baabuurtu i agtaallay, mana taaban, iyadoo aan wax baabuur ah la ii iibin.

Miisaaniyadda wasaaradda caafimaadku waxay ku egtahay oo qudha Hargeysa oo gobollada waxba lagama siiyo. Gobolka dhan litir shidaal ah lama siiyo, wax gaadiid ahna looma iibiyo,” ayuu yidhi Isudiwihii Wasaaradda Caafimaadka ee Gobolka Hargeysa.

Isagoo ka jawaabayey su’aal ahayd ‘Miyaan isuduwayaasha gobollada dalka kharash ugu jirin miisaaniyadda Wasaaradda Caafimaadka? Waxa uu ku jawaabay; “Miisaaniyadda waa lagu soo daraa isuduwayaasha caafimaadka ee gobollada dalka, laakiin shillin lagama siiyo oo waxa dhexda u gala Agaasimaha Guud iyo agaasimaha maamulka iyo lacagta. Lixda gobolba Isuduwayaashooda warayso; mid shillin lacag ah u tago ma jiro.

Isuduwayaasha gobollada waxa miisaaniyadda ugu jira lixdan milyan oo shillinka Somaliland ah (60,000,000SLSH) gobol kasta, lacagtaasna waxa lunsada Agaasimaha Guud ee Caafimaadka iyo Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta.”

Arrintan ayaa noqonayso fadeexado musuqmaasuq hor leh oo ka soo ifbaxay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland.

Dhinaca kale, sida ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay Jamhuuriya u xaqiijiyeen lix boqol oo kun oo doollar ($600,000) oo ah kharashaadkii ku baxay tallaalkii hore dalka looga fuliyey ayaan ilaa hadda wax xisaab-celin ah laga hayn masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka.

Iyadoo taasi jirto ayaa haddana sida la xaqiijiyey waxa Agaasimaha Guud ee Caafimaadka Mr. Cabdi Axmed Nuur (Guray) uu hay’adaha wasaaraddiisa la shaqeeya ka dalbaday inay qaddimaan lacagta ku baxay tallaalka dabaysha ee qorshuhu ahaa inuu dalka ka qabsoomo 28 May 2012 ilaa 30 May 2012, balse waxa dalabkaas dhegaha ka furaystay hay’adaha caalamiga ah ee Somaliland ka caawiya mashaariicda tallaalka carruurta, waxaanay arrintaasi sababtay in Agaasimaha Guud soo saaray qoraal dib loogu dhigay tallaalkii cudurka dabaysha ee baaqday.

Qoraalka Agaasimaha Guud ku joojiyey tallaalka cudurka dabaysha oo Jamhuuriya helay nuqul ka mid ah oo luqada Ingiriisiga ku qoran, waxa isagoo Afsoomaali lagu turjumay uu u dhignaa sidan:

“Annagoo tixraacayna waraaqdii Wasaaradda Caafimaadka ku socotay ee ku taariikhaysnaynd 07/05/2012 ee khusaysay waqtiga la qabanayo Somaliland wareegga 2aad ee tallaalka dabaysha (Round NIDs) ee sannadkan 2012-ka, waxaannu qabnaa walaac la xidhiidha dhinaca diyaargarowga iyo sidii dalka looga hirgelin lahaa tallaal wax-ku-ool ah oo la xidhiidha cudurka dabaysha, iyadoo lala kaashanayo dhinacyada wada-shaqayntu naga dhexayso, gaar ahaan soo daynta kharashaadka waqti go’an oo sal u ah sidii loo fududayn lahaa in la fuliyo tallaal ku filan heerarka oo dhan.

Sidaa darteed, annagoo ka xun waxaannu jecelahay inaannu idinku wargelinno in dib loo dhigo tallaalkii qorshaysnaa maalmaha 28 iyo 30 May, 2012 ilaa heshiis laga gaadhayo arrimaha taagan ee u baahan xalka.

Waxa aannu rajaynaynaa inaannu dhinac fiican ka eegno awoodda iyo wax-ku-oolnimada adeegyada la qabto oo loo baahan yahay in lagu saleeyo kaalmada baahiyaha jira ka hor inta aan la hirgelin tallaalka dabaysha.

Waad ku mahadsantihiin iskaashigeenna iyo sii wadidda taageeradiina.”

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland marwo Nimco Xuseen Qawdhan, ayaa hore u dafirtay tallaalkaas wasaaraddoodu joojisay, iyadoo meesha ka saartay in aannu qorshaha ugu jirin tallaalkaasi dhawaanahanba.

“Ma ogi anigu arrintaas. Wasiirkii Caafimaadka iyo haweenaydii madaxda ka ahayd WHO waxay ku maqan yihiin magaalada Geneve, markaa wax tallaal ah oo dabaysha ahi waqtigan kuma jiro qorshahayaga,” ayey si kooban u tidhi Wasiir-ku-xigeenka Caafimaadka Somaliland oo ka jawaabaysay su’aal Jamhuuriya weydiiyey Axaddii toddobaadkan.

Comments are closed