|

Baadhitaanno Lagu Hayo Shirkadda Soma Gas and Oil Oo Somalia Shidaal-baadhis Ka Wadda

London:Aug,02,2015(SDN/QJ)-Xukuumadda Britain, ayaa qaadday tallaabooyin baadhitaanno loogu samanaynayo shirkadda Soma Oil oo shidaal baadhis ka wadda Gudaha Somalia, iyadoo Xafiiska  baadhitaannada musuq-maasuqa iyo isdabamarintu ku dhawaaqay inuu bilaabay baadhitaankiisa.

marcShirkaddan  SOMA GAS and Oil, waxay heshiis la gashay dowladda Soomaaliya 2013, iyadoo meelo dalka Somalia kamid ahna ka wadda arrimo baadhitaan.

Shirkaddan waxaa madax u ah hoggaamiyihii hore ee xisbiga Talada haya ee conservative-ka.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay la yaabtay eedaha musuqmaasuq ee shirkaddan lagu eedeeyay, waxayna sheegta in haddii lala soo xidhiidho ay wadashaqeyn la sameyn doonto xafiiska eedahan baadhaya.

Sharikadda Soma oil and Gas waxaa la aasaasay horraantii sanadkii 2013-kii iyadoo sida cad lagu socday aragti ah in Soomaaliya shidaal laga baaro. Arrintani waxay soo nooleenaysaa sahan lagu sameeyo dhul wixii ka horreeyay sanadkii 1991, tiro sharikado caalami ah oo shidaal la siiyay oggolaansho laysinno kahor intii aanay burburin dowladdii Soomaaliya.

Guddiga iyo maamulka sharikadda Soma oil and Gas, waxay la shaqeeyaan dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo wasaaradda macdanta qaranka si albaabada loogu furo saliidda iyo gas-ka Soomaaliya ku jira.

Weliba Soomaaliya hadda waxay tahay aaggii ugu dambeeyay ee khariidadda shidaalka gobolka.

khubarada shidaalku waxay qabaan in kheyraad aad u badan uu ka buuxo xeebta iyo biyaha ka baxsan Soomaaliya labadaba.

Soma oil and gas waxay noqon doontaa sharikaddii ugu horreysay ee qarnigan 21-aad baadhitaan shidaal ka bilawda Soomaaliya iyadoo la tashanaysa dowladda federaalka ah, sahan xagga badda ahna sameynaysa si loo ogaado baaxadda shidaalka iyo gaaska Soomaaliya ku jira.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed