Baadhitaanno Aan Noocooda Hore Loo Arag Oo Ciidanka Booliska Burco Ku Qabteen Rag Looga Shakisan yahay ONLF
Burco:31-Oct-2013(SDN)- Hawlgallo Baadhitaan oo ayaamahanba Ciidanka Ammaanka Magaalada Burco ka wadeen Magaaladaas, ayaa Natiijadoodu Noqotay in Gacanta lagu soo Dhigo Tiro Rag ah oo Looga shakisan yahay inay Ka tirsan yihiin Jabhadda Etiopia Ka Dagaallanta ee ONLF.
Hannaanka ay ciidanka Boolisku Dadka u baadhayeen oo ahaa mid ku cusbaa Waddanka, islamarkaana aan waxba la dhaafaynin, ayaan la so gebogebaynin, waxase la sheegay in lagu qabtay Koox halis amaan kuu ah Gobolka.
Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Togdheer Axmed Xasan C/raxmaan(Ilkacase) ayaa ka warbixiyay Hawlgalo si xoog ah uga socday labadii maalmood ee ugu dabneeyay Gobolka Togdheer.
Taliyaha Qaybta Bilayska Gobolku waxa kale oo uu sheegay inay hawlgaladaas ku qabqabteen ilaa sadex qof oo loo aanaynayo inay kasoo jeedaan jabhada ONLF, ”waxaa ilaa shalayto(dorraad) socday hawl amni oo waajibaad nala soo siiyay ah taasoo aanu ku baadhayno magaalada oo dhan ilaa kaantaroolo iyo dhanmaan hudheelada la seexdo,iyadoo ay jiraan oo aanu ka war helay qolyo lid ku ah dawladaha jaarka ah sida itoobiya oo aanu ka wada xidhiidhnay gaashaamo,si aanu labada degmo ee gaashaamo iyo Burco aanu amaniga kawada shaqayno,waxaanuna aad u baadhaynaa wadooyinka iyo meelaha halbawlayaasha ah,waanay jiraan dad aanu tuhunsanahay oo aanu daba soconaa”ayuu yidhi.
Taliyaha oo la waydiiyay bal inay hawlgaladooda ay jiraan dad ay ku qabteen ayaa waxa uu yidhi”way jiraan dad aanu ku qabanay tiradooduna waa sadex qof,sadex daasina waxa ku lug leeyihiin ONLF ee maaha wax gudaheena ah kuwaasna baadhitaankoodii wuu socdaa”.
“ciidamadu hadii ay baraarugsanyihiin dadkuna wuu shaqaynayaa dadkaana nagala shaqaynaya cidii ka shaki leh ama gaadhiga laga shakiyo,waddo walbana iyagaa nala jooga waanan u mahadnaqaynaa” ayuu taliyuhu hadlkiisa raaciyay.
Ma aha Burco oo kaliya meelaha Baadhitaannada iyo Feejignaantu ka socotaa, waxase maalmahanba magaalada Hargeysa laga Dareemayey Baadhitaanno xad dhaaf ah oo ciidanka Ammaanku wadaan, iyadoo meelaha Isgoysyada ahna la xidhay.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com