|

Baadari Sabab La Yaableh Dad Shacab ah u Cunsiiyey Caws Iyo Noloshoodii Oo Halis Gashay

Pretoria:Feb,14,2015(SDN/QJ)-Mid kamid ah Badariyiinta Gudaha dalka Koonfur Afrika, ayaa Boqolaal shacab ah cunsiiyey Cawska Xoolaha si ay u helaan Dembi dhaaf iyo cafis.

cawsBoqolaal Ruux oo kamid ahaa dadkii uu Baadariga faray inay cunaan Cowska ayaa waxa ay maalin qudha isugu yimaaden Beer weyn oo ku taalla meel aan sidaa uga fogeyn Kaniisada waxa ayna halkaasi ku cuneen dooggii ku yiilay Beerta inteeda badan.

Wararku waxa ay intaasi ku darayaan in markii ay dadkii ka dhargeen cawska ay markii dambe soo wajahday xaalado caafimaad daro,iyadoo dadkii badankooda loola cararay Cusbitaalada dalkaasi, sida ay warbaahintu shaacisay.

Beerta ay Boqolaalkaasi shacabka ah ka cuneen Cowska, ayaa ku taalla duleedka Magalada Pretoria ee dalka Koonfurta Afrika.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed