|

Ayuubkii oo u xamaan urursady shirka Xamar kadib markii ay ka quusteen xukuumada siiraanyo

Waxaan salaamyaa warbaahinta sharfta leh salaan kadib tan iyo intii ay jirtay xukuumada siiraanyo waxaa soo badanayey cabashooyinka beelaha wada dega somaliland kadib markii xukuumada uu madaxda ka yahay abaalaawe siiraanyo si aan cadaalad ahayn u qaybiyey kuraastii dalka kuwaasi oo aan marnaba loo habayn si cadaaladi ku jirto iyada oo uu madaxweynaha dalku u kala saaray dadkii qabaa’al helay sadbursiimo iyo kuwa uu ku sheegay in aanay istaahilin la la siiyo wissiro iyo ku xigeeno toona kuwaasi oo ay beesha ayuub ka mid noqotay marar badana ay kala hadashay madaxweynaha dalka in uu siiyo sadka ay ku leeyihiin xukuumada ama ay ku lahaan jireen hase ahaatee aan dheg jalaq loo siinin oo aan la dhegaysan wixii ay ku cabanayeen oo ahaa in laga qadiyey xaqii ay ku lahaayeen golaha fulinta oo ah meesha looga taliyo dalka.

Hadaba waxaa dhawaanahan soo ifbaxayey kooxo aan hore u soo hadal qaadi jirin koonfurta oo ka mid ah beesha ayuub kuwaasi oo quus ka joogsaday in ay xukuumada ku yeehsaan wisiiro ama ku xigeen sida horeba u dhici jirtay dawladihii hore waligood beeshani kamay qadin in ay qaadato xubin golaha wisiirada ah haba iska yaraado e balse kadib markii laga quustay madaxweynaha somaliland inuu bixiyo xubin ayuub leeyahay ayaa waxaa bilaabatay in xubno beesha ahi abaabulaan shirar aan kala go’ lahayn kuwaasi oo ku talinayey in xukuumada siiraanyo wax u oolin isla markaana ay ka quustay in ay ka helaan saamigii golaha wisiirada.

Sidaasiawgeed ayaa xubno(8) sideed ahi u xamaan urursadeen in ay ka qayb galaan shirka xamar waana markii ugu horaysay oo shakhsiyaad ka tirsan beesh ayuub ay ka qayb galaan shirar loo qabanyo koonfurta kuwaasi oo ay hore u arkayeen in aanu faa’iido u lahayn balse ay arkeen in odaygii somaliland xukumayey waxba siin waayey xukuumadii ay dhashadeen kadibna ay go’aansadeen in aanay sii dul joogin abaalaawe siiraannyo oo beesha ayuub ku jaahwareertay sidii ay u tuugaysay in uu ku daro golaha wisiirada taasina ay noqotay hal bacaad lagu lisay xubnaha ka qayb gelaya shirka oo beesha ayuub diratay waxaa ay ka kala yimaadeen carabta ingiriiska iyo dalka gudihiisa oo ay ka tegeen madax dhaqmeed metelaya beesha ayuub.

Guntii iyo gabagabadii waxaanu u soo jeedinaynaa ummad reer somaliland in aanu siiraanyo daacad u ahayn isla markaana aanu ka midha dhalinayn wxii shacabku goostay sidaasi darteed yaan lagu dul habsaamin ee waa in la sameeyo kacdoon dadweyne si loo daba qabateeyo jiritaanka somaliland waana markii ugu horaysay ee beesha ayuub ka qayb gasho shirar somali loo qabanyo waxaanay ku kalsoonaan jireen kolba xukuumada timaada balse beelaha reer somaliland oo dhan cid baa koonfur ka joogtay ayuubna siiraanyo ayaa raaciyey in ay ka mid noqdaan dadka ka qayb gelaya shirarka somalida eeĀ  reer somalilanow dacadi ma jirto ee sidaasi ogaada.

Ibraahim D Ahmed
fartaydii baan eeday

Comments are closed