|

Ayey dani ugu jirtaa dib u dhaca doorashooyinka Somaliland? Qore Mire Aspirin

Doorashada madaxtooyada iyo baarlamaanka Somaliland ayaa la filaayay inay dhacdo  badhtamaha sanadkan 2015-ka ee aynu ku jirno. Laakiin duruufo farmsamo  oo ay sheegeen Gudida Doorashooyinka Qaran ee Somaliland inay dib uga dhacayso waqtigii la filayey , loona baahanyahay in dib loogu mudeeyo xiliga ay qabsoomi karto doorasho- taasoo ay xalaalayn karaan Golaha Guurtida Somaliland oo ah haayadda sharciga u leh inay muddo kordhin u sameeyaan xukuumadaha xiligaa jira. Gudida doorashooyinka qaran oo dhawaan la ansixiyay ayaa waxay kusoo beegmeen  waqti kala guur ah oo ay dhamaanayso mudo xileedkii Madaxweynaha iyo Baarlamaanka. Haddaba dib u dhaca doorasha ayaa ka masuul ah oo dani ugu jirtaa?

Golaha Baarlamaanka: waxay leeyihiin Oo ma nacasyo baanu nahay”? Soo tii la yidhi: “Ceebtaada oo kun qof ogtahay kaw laguma daro! waxay noqdeen shaqsi la yidhi qandaraaska shaqadaada adigaa gacanta ku haya oo isku kordhinaya markay kaa dhamaato. Haddii ay daacad ka yihiin: Maxay xeerarkii doorashooyinka  inta badan haysteen?  Gudoomahooda C|raxmaan Cirro muxuu isu  casili waayey? Waa su’aal dad-weynaha u  taal.

Madaxtooyada : dhinaha aqalka madaxtooyada arimihii ku aadanaa oo ahaa, in loo asteeyo dhaqaalaha lagu qabanaayo dooraashada laguna wareejiyo, in loo gudbiyo golaha wakiilada ayaa sida la wada ogsoonyahay ku dhamaaday wakhtigii loogu talo galay. Madaxweynaha Axmed Siilaanyo Golaha baarlamaanka ayuu warqad u soo qoray uu ku sheegayo inaanu rabin muddo kordhin aan waafaqsanayn xiliga ay gudida doorashooyinku cayimeen. Maxayse Dani ugu jirtaa Madaxweyne Siilaanyo. Ma Sannad muran iyo hadal siyaasadeed wata mise inuu isa sharaxo oo shan sanoo bilaa hadal ah  u tartamo. Runtii  waxaana la odhan karaa waa xukuumdii ugu waxqabadka badnayd ee soo marta Somaliland. Madaxweynu wuxuu haystaa waxqabad uu bulshada tusi karo si  doorasha dambe u galo.

Bal akhriste adigu kee baad dooran lahayd haddaad maanta madaxweyne ahaan lahayd oo fursado badan aad haysato iyo kalsooni shacab.???????

Xisbiyada Qaranka: labada xisbi mucaarad ilaa imika ma leh musharaxiin iyo barnaamijkoodii siyaasadeed, dhaqaale ma haystaan, Mucaaradad adag iyo siyaasiyiin ay dadka ka iibiyaan ma hayaaan. Inta badan waxay u badan yihiin kuwa ku jiray dawlada hore ama xukuumadan laga eryay oo hore loo tijaabiyey.Soomaaliduna waxa ay ku maahmaahdaa NINKA ADHIGA LAGA QUUSTO, AYAA GEELA LOO DIRAA.  Muxuu iga iibinayaa nin hore loo tijaabiyey oo wasaaradii loo dhiibay ku fashilmay, oo shaadh kale iisoo xidhay?????

Haddaba maxaa ka gudboon bulshada Somaliland ee daawanaya kubada lagu dhex ciyaarayo. Umadda Somaliland waxay dani ugu jirtaa Nabad gelyo, horumar iyo inay helaan doorasha xor oo xalaal ah. Durbaanada ay dumanayaan dad neceb inay horumarka bulshada oo leh haddii aanu kursi wayno dagaal baa dhacaya oo waa la qaxayaa. Waa inaynu u sheegnaa inaynu dalka leenahay oo deero deero hirdimayso , shacabkuna waa ka bislaadeen qabqable siyaasadeed iyo nin kursiga kolba ku kacsada.

Mire Maxamed Xuseen (Aspirin)  

 Email: xabash99@gmail.com

Comments are closed