Axmed Yusuf Yasiin:Daahir Riyaale waxa uu garan waayay ayuu Faysal Cali Waraabe Gartay
Hargeysa Aug 25,2012(SDN)-Guddoomiye-ku-xigeenkii hore ee xisbiga UDUB Md. Axmed Yuusuf Yaasiin oo xilkaasi iska casilay, kadib muran daba dheeraaday oo u dhexeeya isaga iyo Guddoomiyaha xisbigaasi Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa waraysi gaar ah kaga warramay qaabkii ay u wada shaqayn jireen labada masuul waqtigii ay talada dalka u kala hooseeyeen ee Madaxweynaha iyo ku-xigeenka isu ahaayeen.
Md. Axmed Yuusuf Yaasiin oo kadib markii uu shalay shaaciyey iscasilaadiisa waraysi gaar ah siiyey wargeysyada Jamhuuriya iyo Haatuf, waxa uu shaaca ka qaaday in isaga iyo Daahir Rayaale oo muddo dheer soo wada shaqaynayey ay khilaafyada soo kala dhexgala ku dhammayn jireen si hoose oo ay ka eegi jireen danta qaranka, balse waxa uu nasiib-darro ku tilmaamay in waqtigan oo ay taladoodu ku kooban tahay xisbi siyaasadeed ay isku aragti noqonwaayaan.
Waxa kaloo uu waraysigaasi kaga hadlay waxa ka jira in khilaafkoodu la xidhiidho waxyaabo hore uga dhexeeyey labadooda, inay xukuumaddu wax lug ah ku leedahay, sababta goaanka iscasilaadiisa iyo weliba qodobo kale oo muhiim ah.
Madaxweyne-ku-xigeenkii hore oo ugu horreyn sharraxaad ka bixinayey iscasilaaddiisa iyo sababaha keentay waxa uu yidhi; Maanta (shalay) oo ay taariikhdu tahay 23-kii July 2012 waxaan goaansaday inaan iska casilo xilkii Guddoomiye-ku-xigeenimo ee aan ka hayey muddada dheer xisbiga UDUB, sababo badan awgood. Run ahaantii waxaan 5 bilood ka hor goaansaday inaan ka dego xilkaas, waxase iga diiday xisbiga, isla markaana bil iyo badh ka horna arrintaas odayga Daahir Rayaale Kaahin waannu ka wadahadalnay, waxaanan ku idhi waan ka dagayaaye adiguna ka degm markaa waxa uu igu yidhi wadatashi ayaan ka galayaa arrintaas ilaa iminkana waxaan filayaa wadatashigii inuu ku maqan yahay.
Arrimaha aan sabab uga dhigayo iscasilaadayda waxa ka mid ah, xisbigan UDUB muddo aad u dheer ayaanu soo dhisaynay, isla markaana rag ayuu tuur la yeeshay wixii aannu dhisaynay markaa arrimihii aan wadnay oo banjaray awgeed ayaan uga degay xilka Guddoomiye-ku-xigeenimo ee xisbiga. Sababta oo ah Faysal Cali Waraabe waxa uu gartay wixii uu Daahir Rayaale garanwaayey oo Jamaal Cali Xuseen oo aannu doonaynay inaannu xisbiga kaga saarno ururnimada oo dabcan aan dhaawac siyaasadeed oo hore lahayn cidna aanay waxba ka tirsanayn, isla markaana ah aqoonyahan Daahir Rayaale arrintaas waakii garanwaayey ee yidhi xisbiga muu ahayn, isla markaana Faysal Cali Waraabe wuu gartay oo waa weliba baro ayuu dhaafiyey oo xisbigii UDUB raggii ka soo baxay ee uu hoggaaminayey Jamaal Cali Xuseen waxa uu siiyey xisbigiisii kala badh hadday gole fulin ahaan lahayd iyo hadday gole dhexe ahaan lahaydba, taasina waa farosamo ay isku dhaafeen labadii Oday. Midda kale maanta annagu UDUB ahaan xisbi ma nihin arrinta aannu ka shaqaynaynayna waxay tahay sidee baa ururka loo badbaadiyaa oo ururnimada looga soo saaraa oo xisbi looga dhigaa, haddii aan doonayo inaan anigu xisbiga tabceeyo oo aan xisbiga dhexda iskaga maro cidi igamay lahayn oo 11 sannadood ayaan Guddoomiye-ku-xigeen ka ahaa, isla markaana haddii aan anigu isa soo taagi lahaa Cali Warancade-na muu yimaadeen Jamaal Cali Xuseena muu yimaadeen, ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin.
Md. Yuusuf waxa uu talo dardaaran ah u soo jeediyey Guddoomiyaha xisbiga, Rayaale talada aan u soo jeedinayaa waxa weeye anigu maanta taladii waan ka degay aniga oo dantii xisbiga eegaya, laakiin xisbigii UDUB maanta hal shay oo keliya ayuu ku badbaadayaa rag karaarsan oo cusub oo uu helo ee uma baahna raggeenii ummaddada badan fadhiyey ee la soo arkay, maanta danta xisbigu waxay ku jirtaa adiga oo ka dega oo sameeya nin ururiya lixda urur ee loo diiday shahaadadii tartankii ururnimada ee maxkamadda ku jira. Xisbigan dhicistiisu waxay ku tahay qaranka sumcad-darro, ninkii ku farxayaana waa nin ku farxaya qaranka oo baabay.
Anigu ma ihi nin ku biiraya urur ama xisbi, waayo qaranimada waddanka waxa iiga hadhsan uun waa madaxweyne taana hore ayaa raggii UDUB ururnimada ka saarayey ugu daayey, anigu waxaan noqonayaa nin qaran oo waxaan u guurayaa aqalka sare ee odayaasha ama Guurtida.
Intaa kadib, suaalihii waraygaasi iyo jawaabihii uu ka bixiyey Axmed Yuusuf Yaasiin oo dhammaystirani waxa uu u dhacay sidan;
Suaal: Md. Axmed Yuusuf ka hor inta aanad goaansan inaad iska casisho xisbiga UDUB ma la socodsiisay guddoomiyahaaga oo ma is aragteen, waxa laga yaabaa inuu hayey xal?
Jawaab: Ballantayadu waxay ahayd in aannu is aragno marka bishii Ramadaan baxdo, laakiin weli wax xidhiidh ah kama hayo ee waxaan filayaa uun malaha taladii uu ku maqnaa ayuun baa la dheeraatay. Isagu hore ayuu iigu yidhi Axmedow adigu haddii aad garato in aad ka degto anigu waan la sii butuluqsanayaa, laakiin xalka keliya ee uu keeni karaa waxa weeye isaga oo ka dega talada xisbiga, taasina waa ta xisbigaba u habboon oo aan aniguna u sii banneeyey haddii rag islaayeen malaha Axmed baa ku hadhaya, markaa ta aan sameeyey malaha waa tii ugu habboonayd.
Suaal: Guddoomiye adiga iyo Daahir Rayaale muddo dheer ayaad soo wada shaqayseen oo ilaa siddeed sanno ayaad Madaxweyne iyo Ku-xigeen isku ahaydeen, ka hor iminka intii aad xilka dawladnimada hayseen marna ma khilaaf ma idin soo dhexgalay?
Jawaab: Kolay khilaaf shaqo wuu iman karaa, laakiin mid buuran oo aan halkan ka taaban karaa ma jirin.
Suaal: Dadka qaar baa aaminsan khilaafka waqtigan idiin dhexeeya waa mid ku jiqsii ah oo salka ku haya khilaafyo hore oo xilligii ay xilalka Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka ahaayeen u dhexeeyey oo ay qarsanayeen, laakiin iminka dibada u soo baxay, arrintaasi maxaad ka leedahay?
Jawaab: Horta markii aannu xukunka dalka wareejinaynay wuxuu arrin la isku raacay oo habbeen dhan la gorfaynayey oo ahayd in waddanka la badbaaiyo oo waa la isla gartay, waxaan filaa wax taa ka waynaa oo aannu isku khilaafi karaynay in aanay jirin. Dadku markay wada shaqaynayaan siddeed sannadood khilaaf wuu iman karaa, laakiin waxa ka weyn waxa ku saaran oo umad baad hoggaaminaysaa, markaa khilaaf kasta oo dhaca waa la xallinayey, laakiin waan ka xumahay maanta in xisbigii aannu isku aragti noqon wayno, anigu waxaan taagnaa cid hagta oo kale inay timaado, isna waakan taagan aan la sii butuluqsado.
Suaal: Maadaama idinka oo siddeed sanno wada shaqaynayey oo xilal ka xisbiga ee hadda ka waaweyn aad hayseen, wixii khilaaf ah ee idin soo dhexgalana aad qarsanayseen oo xataa waxyaabo badan oo kale aad odaytino ku dhammayn jirteen, maxaa iminka keenay inaad arrin yar oo xisbiga dhexdiisa ah xal ka gaadhiwaydaan, ma odaytinimadii ayaa meesha ka baxday, imise wax gaar ah oo labadiina idiin dhexeeya ayaa jira?
Jawaab: Marka la yahay xisbi mucaarad ah iyo marka la yahay xisbi muxaafad ah waa kala jaad ama way kala duwan yihiin, xisbiga mucaaradka ah arrinta haddii aanad dhegin badka oo kaadirka xisbigu aannu falanqayn dib buu kuugu soo noqonayaa, anniga iyo Rayaale khilaaf noo dhexeeyaa ma yaal, laakiin dhawr iyo labaatankaa nin ee Guddigii Fulinta xisbiga ahaa maxay UDUB kaga tageen? Maanta Rayaale laba nin baa kaga hadhay, waxa weeye taladii baa la isla garanwaayey, talada mucaaradnimaduna ma aha mid la mid ah ta muxaafadka, markii aniga iyo Rayaale aannu Madaxweynaha iyo ku-xigeenka ahayn awood baa wax lagu waday, laakiin markay timaado xisbi mucaarad ah talada waa in miiska la dhigaa.
Suaal: Xisbiyada mucaaradka iyo dad kale oo badaniba dhaliilo ayey idiin soo jeedin jireen, gaar ahaan Daahir Rayaale oo ahaa Madaxweynaha waxa lagu eedayn jiray inuu yahay nin madax adag oo macangag ah, ma u muuqataa in arrintaasi iminka soo baxday?
Jawaab: Taa waaniga iminka ka hadlaya ee ku leh talo aan lagu rafaadin oo aan lagu daalin way kugu soo noqotaa?
Suaal: Waxa jira dad yidhaahda khilaafka xisbiga UDUB iyo kala fogaynta siyaasiyiintooda waxa ku lug leh xukuumadda talada haysa, arrintaasi maxaa ka jira?
Jawaab: Xisbiga UDUB waxa uu dib u taabbo qaaday muddo siddeed bilood ah oo shuruucdiisii iyo dib-u-dhiskiisii loo dhammeeyey, markaa khilaafkiisa ama gacan kale ha ku jirto ama yaanay ku jirine qofka xisbiga ku soo caano-maalay waxay ahayd inuu xalka ugu wanaagsan ku badbaadiyo. Warqadaa i hortaal waxa waa 8 bog oo ah talo soo jeedin ay ku saxeexan yihiin dhawr iyo labaatan nin oo Guddiga Fulinta xisbiga ah oo ay u jeediyeen Daahir Rayaale oo aannu jirin xal ka maqani.
Suaal: Dhinac kale haddii aynu ka eegno xukuumadda hadda talisaa xidhiidho dhaw ayey idinla lahayd hoggaankiina UDUB oo ah adiga iyo Guddoomiye Rayaale oo labadiinuba waxaad kala qaybgasheen shirarkii dhexmaray Somaliland iyo Soomaaliya, markaa marna xukuumaddu ma idinkala hadashay khilaafkiina ama ma idin dhexdhexaadisay?
Jawaab: Maya, maya, ma jirto arrintaas.
Suaal: Doorashadii Golaha Degaanka ee dalka Guddiga Doorashooyinku way cayimeen waqtigii la qaban lahaa, waxaanna ka qaybgalaya ururro badan, sideed u aragtaa doorashadaas?
Jawaab:Anigu waxaan jeclaan lahaa inaan dalka lagu furin waxan oo Ururada marka la eego xag dhaqaale iyo xag nabadgalyo, horena waan uga hadlay oo waxaan jeclaa in saddexda xisbi inta loo sameeyo xeer lagu furayo Wakiilada oo ka dhigaya xisbiyo furan oo aanay cid gaar ah lahayn. Maanta Hargeysa waxa iska sharraxaya doorashada deegaanka 225 xildhibaan, waddanka oo dhan marka la isku geeyana waa saddex kun iyo dheeraad, markaa dhibtaas Ilaahii innaga saari lahaa ayeynu leenahay.
Midda kale deegaan muxuu yahay? Run ahaantii deegaan ilaa 1960-kii weynu lahayn. Shuruud ahaan degaanka ninka noqonayaa waa nin ku leh hanti ma-guurto ah iyo mid dhaqaale ahba maanta arrinta soo socotana waa mid aan shakhsi ahaan ka walaacsanahay Ilaahay khayr ha inooga dhigee.
Suaal: Ugu dambayn xaaladda isbeddelka siyaasadeed ee xilliga ka socda Soomaaliya oo Baarlamanka loo sameeyey ay ku jiraan dad badan oo reer Somaliland ahi, wax saamayn ah ma ku yeelan karaa Somaliland?
Jawaab: Arimaha Muqdisho ka socdaa aniga ilama muuqato inay waqtigan saamayn wayn inagu leedahay, laakiin mustaqbalka dhaw saamayn way inagu yeelanaysaa, waxaanan xukuumadda u soo jeedinayaa inay sharcigii arrimaha Soomaaliya ka yeelay ee qof waliba sida uu doono u fasirtay inay ku soo celiso galayaasha Baarlamaanka, waxaannan soo jeedinayaa in dadka reer Somaliland ee Muqdisho tagay lagu qaado dambi ah Khaain waddaninimo.
Goor uu iman ayuun baanan garanaynayne dagaal baa ina haysta oo waa la inagu soo maqan yahay.
Tallaabada keliya ee inoo bannaani waa inaynu ciidammadeenna dhisano oo aynu tababarano xag millatari iyo xag bilaysba dhisno.
Waxaan filayaa waxa Xamar laga wad-wadaa inay inagu soo noqonayaan oo innaguna goaankeennii goonni-isu-taagga ka noqon mayno oo raggii aynu odhan jiray waxay ku yimaaddeen dhigo-dheere oo waa caydh runtii ina dayn maayaan. Waxaan odhan lahaa dhaqaalaheena 80% aynu ciidamadeena gelino hadday noqon lahayd xag millatari iyo xag bilays iyo xag farsamo iyo xag qalaba, isla markaana aynu ciidammadeenna ka badino inta ay hadda yihiin, maxaa yeelay anigu waxaan qabaa dagaal inuu innagu socda lama huraan ah waqti kasta ha dhacee.