“Axmed siilaanyo Nin Hadal Loo Tilmaamo ma aha, inta Badanna waaka ka Hadla ee aynu ka Aragno TV-ga,”Gud. Muuse Biixi
Hargeysa:Oct,17,2014(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, ayaa Markii ugu horraysay ka Hadlay Su’aal dad badani isweydiinayo oo la Xidhiidha Sababta uu madaxweynaha Somaliland usoo horfadhiisan la’yahay Warbaahinta ee uu ula Hadli la’yahay.
Guddoomiye Muuse Biixi, ayaa Aamusnaanta Madaxweynaha meesha ka saaray, waxana uu ku adkaystay inuu madaxweynuhu wali wato aftahamadii lagu yaqaanay ee uu caanka ku ahaa xilligii uu mucaaridka ahaa.
Guddoomiye Muuse oo ka jawaabayey su’aal Warbaahintu ka Weydiisay sababta uu waxa sababay Gabashada Madaxweynaha ee dhinaca warbaahinta, ayaa bixiyey jawaab Kooban oo u dhignaynd sidatan,
“Axmed siilaanyo Nin Hadal Loo Tilmaamo ma ah, inta Badanna waaka ka Hadla ee aynu ka Aragno TV-ga, markaa anigu meel aad su’aashaas ka dhadhamisay garanmaayo.” Ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi.
Jawaabta Muuse Biixi ayaa ku soo beegmaysa xilli Madaxweyne Siilaanyo muddo dheer aanu wax hadal toos ah siinin warbaahinta dalka, taas oo su’aal gelisay Caafimaadka Madaxweynaha, waxana wali la sugayaa Goorta uu madaxweynuhu warbaahinta dalka u yeedhi doono, isla-markaana uu uga jawaabi doono Su’aalaha ay qabaan shacabkiisa.
SDN/QJ