|

Axmed-madoobe Oo Shaaciyey In Maamulkiisu Aqoonsaday Dawladnimada Somaliland

Kismayo:June,10,2015(SDN/QJ)-Hoggaamiyaha Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Jubba land Sheekh Axmed Islaan Axmed(Axmed-madoobe), ayaa markii ugu horraysay shaaciyey in maamulkiisu uu aqoonsaday Dawladnimada somaliland.

madoorAxmed Madoobe waxa uu sheegay in haatan wixii ka dambeeya ay somaliland u aqoonsadeen Dawlad ka madax bannaan Soomaaliya inteeda kale.

Hadalkan ayuu Axmed madoobe ka sheegay mar uu   dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo waxana uu si niyadsami ah u yidhi “maamulka aan madaxda ka ahay waxa ay noqonayaan  Somaliland wada shaqayn wacana waa la galaynaa”

ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay somaliland oo ku aadan sida ay u arkaan hadalka ka soo yeedhay Axmed madoobe

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed