Axmed Madoobe oo Kismaayo u Haray iyo xaalada oo degan maanta
Kismaayo June 11,2013(SDN)-Ciidamada ka amar qaata maamulka Jubaland ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe ayaa gacanta ku haya inta badan magaalada Kismaayo halka ciidamo uu hogaaminayo Itin Bastona ay joogaan duleedka Kismaayo.
Magaalada ayaa labadii maalmood ee u danbeeyay aan laga maqal wax rasaas ah isla markaana waxa magaalada ku soo noqonayay ganacsigii iyo qaar ka mid ah dadkii isaga yaacay.
Kismaayo ayay marqura rasaastu isqabsatay ka dib kolkii ay isku dheceen ciidamo ka kala amar qaata Axmed Madoobe iyo Iftin Baasto oo labaduba sheegay in ay yihiin madaxa maamulka Jubaland.
Dawlada Soomaaliya ayaa ugu baaqday dhinacyada ishaya in ay colaada joojiyaan oo ay u midoobaan sidii Shabaabka loo cirib tiri lahaa.
Kismaayo ayaa waxa ku sugan ciidamo ka socda AMISOM oo halkaa u jooga in ay gacan siiyaan dawlada Soomaaliya.
Balse ciidamada AMISOM ee ka socda Kiinya ayaa taageera maamulka uu madaxa u yahay Axmed Madoobe ee Kismaayo dhawaanta looga dhawaaqay.
SDN-Kismaayo
contact@somalidaisporanews.com