Axmed Madoobe oo ka Hadlay Isku daygii dil ee uu ka Badbaaday iyo Alshabaab oo Mas’uuliyadiisa Sheegatay
Kismaayo 12.Sep 2013 (SDN)-Madaxweynaha Maamulka Jubaland oo shir jaraa’id qabtay Xarunta Kismaayo ayaa sheegay in waxba aysan kasoo gaarin Qaraxii lala bartilmaameedsaday ee ismiidaaminta ahaa, isagoo si adag u cambaareeyay weerarkaas, wuxuuna ku tilmaamay mid la doonayay in lagu dilo.
Shiikh Axmed Madoobe ayaa sheegay in isagu uu caafimaad qabo wararka la baahiyay ee sheegaya inuu dhaawacmayna aysan waxba ka jirin, isagoo u tacsiyeeyay dadkii ku dhintay weerarkaas.
“Weerarku wuxuu ahaa mid la doonayay in aniga la igu qaarijiyo, balse waan ka badbaaday wax dhibaato ah oo aan qabana ma jirto” ayuu Sh. Madoobe ku yiri shirkiisa jaraa’id isagoo intaas ku daray in weerarkaay Al-shabaab ka dambeysay.
Markii uu Qaraxu dhacay ayaa waxaa warar soo baxay ay sheegayeen inuu dhaawac fudud kasoo gaaray Sh. Axmed Madoobe, iyadoo isla markiibana la jaray isgaarsiinta guud ee Magaalada Kismaayo.
Qaraxa Ismiidaaminta ah oo uu fuliyay ruux watay gaari waxyaabaha qarxa lagu soo xiray ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 20-qof oo isugu jiray dad shacab ah iyo askar ilaalo u ahayd Sh. Axmed Madoobe oo markaas dib ugu laabtay Kismaayo, kadib safar uu ku tagay Muqdisho.
Xaalada Magaalada Kismaayo ayaa mar qura kacday markii uu qaraxu dhacay inkastoo hada ay kusoo laabatay Caadi, waxaana tani ay noqonaysaa markii ugu horeysay oo Mas’uulkan Qarax lala beegsado.
Maamulka Sh. Axmed Madoobe ee Jubooyinka ayaa bishii hore heshiis kula saxiiday Addis Ababa Dowlada Somalia, kaasoo ahaa mid ay labada dhinac ku xaliyeen khilaaf muddo bilooyin ah u dhexeeyay.
Wararkii ugu dambeeyay ee Kismaayo aan ka helnay ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhimatay in ka badan 15 qof, ayna ku dhaawacantay ku dhowaad 30 kale, waxaana mas’uuliyaddiisa sheegatay Kooxda Al-Shabaab.
Dhinaca kale, war-saxaafadeed ka soo baxay aqalka madaxtooyada Soomaaliya ayaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu ku cambaareeyay weerarka lagu qaaday kolonyada uu la socda Axmed Madoobe.
Kismaayo SDN.
Qurbejoog.com