Axmed Madoobe oo fara Cididood kaga badbaaday Weerar ismiidaamin ah oo lagu bartilmaameedsaday
Kismaayo 12.Sep 2013 (SDN)-Hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta oo Khamiis ah ka badbaaday isku day la rabay in lagu dilo kaddib markii qof isa soo miidaamiyay oo watay gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa uu ku dhuftay gaari uu saarnaa hoggaamiyaha.
Wafdi uu hoggaaminayo Axmed Madoobe ayaa barqadii maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo kaddib socdaal shaqo oo qaatay shan maalmood oo ay ku tageen magaalada Muqdisho.
Warku waxa uu sheegayaa in goobta uu qaraxa ka dhacay lagu arkay maydka shan qof oo u badan dad rayid ah.
Dad dhintay ayuu sheegay inay ku jiraan qaar ka tirsan ilaalada Axmed Madoobe.
In ka badan toban oo rayid ah oo ku dhaawacmay qaraxa ayaa la dhigay isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo.
Xaaladda magaalada ayaa kacsan, bandow ayaana lagu soo rogay. Sidoo kale khadka isgaarsiinta ayaa hawada laga saaray.
Warku waxa uu Intaas ku darayaa inay dhici karto inay korodho tirada dadka ku waxyeelloobay qaraxa.
Kismaayo SDN.
Qurbejoog.com