|

Axmed Madoobe oo dib loogu doortay madaxweynaha Jubaland

Kismaayo November 25, 2024(QJ) – Baarlamaanka Jubaland ayaa Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) u doortay madaxweynaha cusub ee Jubaland, kadib doorasho la wada sugayey.

Doorashada ayaa ka dhacday magaalada Kismaayo, waxaana wareegii koowaad ku guuleystay Madoobe oo helay 55 cod, isagoo ka guuleystay saddex musharax oo kale. Musharaxii ugu dhawaa ee Feysal Maxamed Mataan ayaa helay 16 cod, halka Abuukar Cabdi Xasan uu helay 4 cod.

Guddoomiyaha baarlamaanka Jubaland ayaa ku dhawaaqay guusha Madoobe, isagoo xaqiijiyay inuu xilka madaxweynaha hayn doono shanta sano ee soo socota.

Dabaal dagyo ayaa si deg deg ah uga bilowday magaalada Kismaayo iyo deegaanada kale ee Jubaland, iyadoo la maqlayay rasaas qeyb ka ah damaashaadka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in aysan aqoonsan doonin dib u doorashada Madoobe. Isagoo ka jawaabaya hadalka Madoobe ayaa sheegay in dowladda Federaalka aysan uga baahneen aqoonsi balse uu doonayo in la aqoonsado shacabka Jubaland.

Comments are closed