Axmed Madoobe oo booqday xarumo Kismayo ah {DHAGAYSO}
Kismayo 04.Aug (SDN) Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaan ‘’Madoobe’’ ayaa booqasho ku tagay xarumo ku yaal magaalada Kismayo oo saamayn uu ku yeeshay dagaal ka dhacay dhamaadkii June, 2013.
Waxa wehelinayay madaxweyne ku xigeenka Gen.Cabdulaahi Shiikh Ismaaciil Fartaag, saraakiil iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubaland.
Goobaha ay booqdeen waxa ka mid ahaa Saldhiga Booliska Kismayo, warshadii hilibka iyo xaafadihii khasaaruhu ka soo gaaray dagaalku suda Guulwade iyo Isku-filan.
Ka dib ayuu la hadlay saxaafada oo tacsi u diray eheladii ay dadku uga geeriyoodeen dagaalka ,isagoona raaciyay inay dhowaan shir dib u heshiisiineed u furi doonaan dadweynaha gobollada maamulka si aan colaad danbe uga dhicin deegaanka.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/AxmedMadoobe.mp3″]
Kismayo SDN.
Qurbejoog.com