Axmed Madoobe iyo Wefti uu Hogaaminayo oo u dhoofay Shirka Brussels {DHAGAYSO}
Kismaayo 14.Sep 2013 (SDN)- Madaxweynaha maamulka Jubaland Shiikh Axmed Madoobe iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka anbabaxay magaalada Kismayo isagoona ku sii jeeda dhanka magaalada Brussels ee dalka Belgium oo shir caalami ah ka furmayo 16-ka bishan.
Madaxweynuhu waxa uu saxaafada kula hadlay garoonka diyaaradaha isgaoona sheegay inay ka qaybgali donaan shirka New Deal markii ugu horeysay wafdi Jubaland u ambabaxo dibadda ka dib hehsiiskii dhamaadka Aug, 2013 ku dhexmaray DF iyo maamulka magaalada Addid Ababa.
Ciidamada amaanka ayuu kula dardaarmay inay xoojiyaan nabadgelyada iyo dardargelinta dagaalka Al-shabaab ay kula jiraan, isagoona xusay in caalamka ay u bandhigi doonaan sidii gacan looga siin lahaa dagaalka ka dhanka ah.
Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee lala beegsaday Khamiistii ayuu Axmed Madoobe sheegay inaysan waxba u dhimayn hawsha ay wadaan iyo dadaalka ay ugu jiraan dib uga soo kabashada Jubooyinka colaado ka jiray in muddo ah.
Dhanka Belgium ayaa maanta iyo beri waxa u socdaalaya wufuuda kala duwan ee Somalida iyo Ajnabiga kuwaasi oo la filayo inay qodobo wax ku ool ah ka soo saaraan shirka Somalia dib loogu dhiso.
Guji halkan oo Mobilkaaga ka dhagayso hadalka A.Madoobe
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/madoobebury14.mp3″]
Kismaayo SDN,
Qurbejoog.com