Axmed Madoobe iyo Taliyihi hore Nabad Sugidda Darwish oo Ethiopia Aaday maxay ka dooneen?
Addis Ababa Dec 17 2012 (SDN)— Sida ay sheegayso Xogo hoose, Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe oo uu wehliyo Taliyihii hore Nabad Sugidda Somalia Maxamed Faarax Warsame oo loo yaqaanno Darwiish ayaa safar ku aaday dalka Ethiopia halkaas oo ay ka raadsanaayan Taageero ay ka helaan dalkaas.
Kadib marki Axmed Madoobe uu ka cabsaday inuu waayo awoodda gacan ku haynta maamulka Jubbooyinka ayaa waxaa lagu soo waramayaa inuu taageero xooggan uu ka dalbaday dowladda Ethiopia iyadoo arrintaan uu dhex dhexaadinaayo ama isku xeray Axmed Madoobe iyo Dowladda Ethiopia nin lagu sheegay magaciisa Cabdi Indha Boor oo ka tirsan Maamulka Somali Galbeed Ethiopia.
Maxamed Faarax Darwiish ayaa horey u ahaa Taliyihiii nabad sugidda dalka Somalia xiligii dowladdii C/laahi Yuusuf wuxuuna gacan saar la leeyahay Axmed Madoobe waxana jira ciidamo tiro yar oo ka amar qaata Maxamed Faarax Warsame Darwiish kuwaas oo qaab qabiil u abaabulan.
Mr Darwiish ayaa waxaa uu horjooge u yahay koox la magac baxday Harti Group oo qaab qabiil isku bahaystay waxayna gacan saar la yeesheen Axmed Madoobe iyagoo doonaya inay awood ku yeeshaan maamulka Jubbooyinka.
Maamulka Jubbooyinka ayaa waxaa ugu awood sareeyo ninka lagu magacaabo Prof Maxamed Cabdi Gandi oo haatan ku sugan Dhismaha Garoonka Diyaaradaha Kismaayo waxaana ilaaliya ciidamo gaar u tababaran oo ka tirsan sirdoonka Kenya kuwaas oo amaankiisa gacanta ku haaya.
Axmed Madoobe ayaa ka cabsi qaba in Madaxweynaha Maamulka Az-Zaaniyah Pfor Gandi uu maroorsado awoodda maamul ee jubooyinka waxaana haatan talada ugu dambeyso ee Ciidanka Kenya ku howlgalaan leh Profsoorka oo ay ka amar qaataan.
Dhawaan ayaa lagu wadaa in la dhiso maamul loo dhan yahay oo laga sameeyo Jubbooyinka.
SDN-Addis Ababa