|

Axmed Daaci Oo Jeelka Lagasii Daayey Muddo Kadib

Muqdisho:Sep,20,2014(SDN/QJ)-Axemd Xasan Caddow Daaci oo ahaa Guddoomiyihii hore ee Degmada Wadajir, ayaa la sheegay in xalay laga sii daayey Jeelka Magaalada muqdisho oo uu muddo ku xidhnaa.

axmed daaciAxmed Daaci ayaa muddo bil ah xidhnaa Xarunta Nabadsugidda ee Habar Khadiijo, waxana xadhigiisa laga galay Waan Waan Badan.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa goor dhoweyd u xaqiijiyay warbaahinta in Mr Axmed Daaci uu dib xoriyadiisa u helay kadib 35-cisho oo uu xidhnaa.

15-kii bishii Augost ayay aheyd markii howl gal xilli habeen ah ay Ciidamo ka tirsan Nabadsugida ku qaadeen hoygiisa oo ku yaal degmada Wadajir, waxaana halkaas ka dhacay dagaal ay dad badan ku dhinteen.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed