Axmed Cabdi Xaabsade oo Garowe Gaadhay lana Kulmay Madaxweyne Gaas Maxay ka Wada Hadleen DAAWO
Garowe 10.Aug 2014 (SDN/QJ)- Waxaa galabta goor gaaban magaalada garoowe lagu soo dhaweyay axmed c/xaabsade oo ka soo kicitimay Degmada Gal-Dogob ee Gobolka Mudug,iyadoona ay soo dhaweyeen ballaaran loogu sameeyay dulleedka Koonfureed ee magaalada Garoowe halkaasi oo ay kaga hortageen wafdi uu hor kacayo
Madaxweyne Ku xigeenka Puntland C/xakiin C/llahi Xaaji Cumar Camey oo isugu jira Wasiirro , Xildhibaano, qaar ka mid ah masuuliyiinta Dawlada Puntland.
Axmed C/di Xaabsade ayaa loo galbiyay Aqalka Madaxtooyada Puntland halkaasi oo ay ku soo dhaweyeen Madaxweynaha Puntland,Ku xigeenkiisa ,Gudoomiyaha Baarlamaanka .
Soo dhaweyn ka dib Hadal kooban oo siyaasi Axmed C/di Xaabsade uu siiyaya warfidiyeenka ayuu sheegay inuu aad u faraxsanyahay ku soo noqoshada puntland oo uu shegay inuu asaaskeedii qayb ka ahaa isla markaana uu muddo ka maqnaa.
Xaabsade waxa uu sheegay imaanshihiisa Puntland ay salka ku haysay Codka uga yimi Madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa,Waxaa kale oo uu Xusay inuu dhanka Somaliland oo uu Mudooyinkii u danbeeyay ku Maqnaa uu Hawl gab ka soo noqday taas darteedna uu door biday Inuu Yimaado Punt land oo uu aasaaskeeda wax ka soo qabtay Waxaanu Madaxweyne Gaas u balanqaaday inuu hawl fiican u qaban doono.
Docda kale Madaxweyne C/weli Maxamed Cali ayaa sheegay inay dhankooda ku faraxsanyihiin imaanshaha Axmed C/di Xaabsade isla markaana dhulka Puntland uu yahay dhulkiisii asalka ahaa.
Madaxweyne Gaas ayaa intaasi ku daray inuu Xaabsade Wax badan ka tari doono hawlgalada uu maamulkiisu ku hawlan yahay,Isagoo intaas ku daray inay ka faa’iidaysan doonaan Khibradiisa Maamul iyo Waayo aragnimada dheer uu Siyaasada u leeyahay.
Axmed Cabdi Xaabsade oo haatan ahaa La Taliyaha Madaxweyne Siilaanyo ee arrimaha Doorashooyinka ayaa u Muuqday tan iyo intii laga qaaday Xilkii Wasiirka Hawlaha Guud Shakhsi Saluug Siyaasadeed qaba.
Garowe SDN/QJ
contact@qurbejoog.com