|

Awdal:Ceelal laga Hirgaliyay Magaalada Boorama

Boorama 13.November 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaarada Khayraadka Biyaha Jamhuuriyada Somaliland Bashe Cali Jaamac Oo Uu Weheliyo Ku Simaha Agaasimaha Guud Ee Wasaaradasi Maxamed Farax Cabdi Ayaa Xadhiga Ka Jaray Ceel Biyood Cusub Oo Loogu Talo Galay Inay Ka Faaidaystaan Dadka Ku Dhaqan Degmada Magalo Cad Oo Ka Tirsan Gobolka Awdal

ceel-biyood-cusubUgu Horayna Ceel Biyoodkan Cusub Ee Laga Hirgaliyay Degmada Magalo Cad Ayaa Waxa Ka Warbixiyay Axmed Cabdi Gaas Oo Kasocday Islamic Relief Iyo Maxamed Amiin Al-Haadi Oo Kasocday Islamic Develop Bank (IDB) Oo Iyagu Iska Kashaday Hirgelinta Ceel Biyoodkan Cusub Waxanay Shegen In Ujeedka Ay Ka Lahayen Ceel Biyoodkan Cusub Uu Ahaa Inay Ka Faaidaytaan Dadka Iyo Dunyada Ku Dhaqan Degmadani Magalo Cad Waxanay Xuseen In Ceelka Iyo Kuwa Kale Oo Ay Ka Wadaan Dalka Aanay Usuro Galeen Hadii Aanu Hiil Iyo Hooba La Garab Tagnayn

Wasiirka Wasarada Biyaha S/Land Oo Hadh Iyo Habeen Dadaal Ugu Jira Sidii Dhamaan Umada Ku Dhaqan Somalind Ay Biyo Ku Filan U Helilahayeen. Dhanka Kale Waxaa Uu Wasiirku Soo Indha Indheeyay Mashruuca Biyo Galinta Wajaale Oo Uu Soo Eegay Halka Uu Marayo Taangi Biyoodka Dhiskiisu Socdo.

Comments are closed