Awaamiir Midowga Yurub Fareen Madaxweyne Axmed Siilaanyo inuu Dabaqo & Nuxurka Fariimahaas oo uu Ka Warbixiyey Wasiirka Arrimaha Dibadu DAAWO
Hargaysa 24. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa ka warbixiyay wafti balaadhaan oo ay hogaamineyso safiirka midowga Yurub oo kulan kula qaatay madaxweynaha qasriga madaxtooyada.
Waxaanu sheegay in ujeedada socdaalkoodu ay aheyd xog ogaal u noqoshada xaalada abaareed iyo ta doorashada.
Waxaanu wasiirku sheegay in waftigan ay kala hadleen sidii ay gargaar deg dega iyo caawima ula soo gaadhi lahaayen dadka ay abaartu saameysay,
Dr. Sacad Cali Shire wasiirka arrimaha dibada Somaliland isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Waxaa Madaxweynaha halkan ku soo siyaartay wafti balaadhan oo ka socda midowga Yurub, oo ay hogaamineyso safiirka midowga Yurub iyo shan danjire oo kale oo matalaya shan wadan”
Sidoo kale Dr Sacad waxaa uu faahfaahin ka bixiyay ujeedada socdaalkooda waxaanu yidhi “Ujeedada socdaalkooduna waxaa ay aheyd u kuurgalista iyo xog ogaal u noqoshada xaalada abaareed ee wadanka ka jirta,iyo baahida loo qabo in si deg dega arintaaasi wax looga qabto waxaanaanu ka codsaney inay mucaawinooyin deg dega ay nala soo gaadhan noona sii wadan taageeradii ay dhan walba naga siin jireen ”
Wasiirku isaga oo hadalkiisa siiwata waxaa uu intaas ku daray “Sidoo kale waxaa ay ka hadleen in aan doorashooyinka dib loo dhigin loona qabto in si deg dega doorashada loo qabto, waxaanu kalsooni buuxda ku siiney in doorashada la qabto loona qabto sida ugu dhakhsaha badan marka aynu ka baxno xaalada adag ee maanta wadankeenu ku jiro”