“Author Archive”
Stories written by akguled

Siyaasi Abgaal Oo Si Adag U Dhaliilay Xukuumada Uu Soo Dhisay Madaxweyne Muuse Biixi DAAWO

Hargaysa 15. February 2018 (SDN/QJ):-Siyaasi Abgaal oo ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa waxa auu si adag u dhaliilay xukuumada uu soo dhisay madaxweyne Muuse Biixi.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Wefti Sare oo Ka socda Dawlada Ingiriiska oo Maanta Kormeer ku maray Xarunta Wasaaradda Warfaafinta Somaliland DAAWO

Hargaysa 15. February 2018 (SDN/QJ):-Mas’uuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Somaliland oo uu Horkacayo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Faarax (Guri-barwaaqo) ayaa maanta Kormeer indho indhayn ah ku soo mariyey Waaxyaha ay Wasaaradda Warfaafintu ka kooban tahay Wefti ka socda Dawlada Ingiriiska.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Wefti ka Socda Dalka Faransiiska SAWIRO

Hargaysa 15. February 2018 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefti balaadhan oo ka socday dalka Faransiiska oo uu hoggaaminayey safiirka dalalka Somaliland iyo Soomaaliya u qaabilsan, Amb. Antoine Sivan, oo ay wehelinayeen xubno kale oo muhiim ah. Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi waxa uu weftiga ku bogaadiyey boqashada […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Wasiirka Cadaalada Somaliland Oo Kormeer Ku Tagay Jeelka Wayn Ee Magaalada Borama DAAWO

Boorama 15. February 2018 (SDN/QJ):-Wasiirka Wasaarada Cadaalada Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye ayaa maanta kormeer ku tagay Jeelka wayn ee Magaalada Boorama waxaana uu gaadhsiiyay Deeq kala duwan oo isugu jirta Bustayaal, Timir iyo shooladaha cuntada lagu karsado.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Raysal-wasaarihii Federaalka Itoobiya oo iska Casilay Xilkii Xukuumadda iyo Hoggaamintii Xisbiga!!!

Addis Ababa 15. February 2018 (SDN/QJ):-Rai’sul wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn, ayaa iscasilay, sida laga baahiyay telefishinka qaranka Itoobiya. Ilaa iyo haatan lama sheegin sababta ka dambaysa is casilaadiisa. Hailemariam Desalegn ayaa sidoo kale la sheegay in uu iska casilay gudoomiyanimadii xisbiga haya talada dalkaasi ee People’s Revolutionary Democratic Front. Iscasilaadiisa ayaa ku soo beegmaysa […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Madaxweynihii Koonfur Afrika oo Is-casilay iyo Tallaabooyinka Xiga – Warbixinihii u dambeeyey

Koonfur Afrika 15. February 2018 (SDN/QJ):-Madaxweynihii dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma, ayaa is-casilay xalay, ka dib markii cadaadis xooggan ay saareen Xubnaha Sare ee Xisbigiisa ANC oo ku qasbay inuu xilka ka dego markii musuqmaasuq iyo in awooddu gacantiisa ka baxday lagu eedeeyey. iscasilay. Mr Zuma ayaa cadaadis ballaaran kala kulmay xisbigiisa ANC oo ka dalbaday […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Laba Wasiir Oo Ka Tirsan Xukumadda Muuse Biixi Cabdi Oo Isku Tuur-Tuuray Waajibaadka Xilka Ay Qaranka U Hayaan Iyo Eedaymo Ay Isku Duur Xuleen DAAWO

Hargaysa 11. February 2018 (SDN/QJ):-Wasiirada wasaaradaha Arrimaha Dibadda Somaliland Sacad Cali Shire iyo Wasiirka Shaqo galinta Hinda Jaamac Xirsi ayaa isku tuur tuuray Cid leh ogaansha Da,yarta Xoogan somaliland ee Ciidan ahaan loogu qaaday Waddanka Qadar. Wasiirka wasaaradda shaqo gelinta iyo arrimaha qoyska Somaliland Hinda Jaamac Gaani waxay sheegtay dhallinyarada muddooyinkii u danbeeyey loo qaadaayey […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Wasiirka Hawlaha Guud,Dhulka Iyo Guryaynta Somaliland oo Magaaladda Buuhoodle Maanta Kulamo kula qaatay Mas’uuliyiinta Hay’adaha Dawlada Iyo Kormeer uu Ku Tegay Mid ka Mid ah Jaamacadaha ka Furan Buuhoodle DAAWO

Buuhoodle 11. February 2018 (SDN/QJ):-Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryaynta Somaliland C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi oo socdaal ku jooga gobolka Buuhoodle ayaa maanta kulamo la qaatay mas’uuliyiinta hay’adaha dawladda ee gobolkaasi, kuwaasi oo uu kala hadlay sidii loo dardar gelinlahaa adeegyada ay bulshada gobolkaasi u hayaa.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Xadigii ugu Badnaa ee Maandooriyaha Khamriga Iyo Xashiishada oo Maanta Meel Fagaare ah oo Magaaladda Burco ah Lagu Gubay,Xashiishad lagu Beero Guri Ku Yaala Burco oo La Shaaciyey & Dooda Garsoorka DAAWO

Burco 11. February 2018 (SDN/QJ):-Ciidamada booliiska Somaliland ayaa magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ku qabtay Khamri aad u tiro badan iyo Xashiishad lagu iibinayay qeybo kamid ah magaaladaasi. Booliiska Burco ayaa qabtay 904 Quraarado amase Dhalo oo Khamri ah iyo Maandooriyaha Xashiishka oo gaadhaya Hal Kiilo iyo Badh, waxaana waxyaabahan maanka dooriya ka ganacsanayay dad […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

War-murtiyeed laga soo saaray shirkii Amniga Qaranka ee hogaamiyayaasha Soomaalida ee Muqdisho Lagu soo Khatimay

Muqdisho 11. February 2018 (SDN/QJ):-Waxaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho saqdii dhexe ee xalay shir maalmihii ugu danbeeyayba u soda madaxda federaalka, maamul gobolleedyada iyo gobolka Banaadir, waxaana war-murtiyeed ka soo baxay shirka lagu xeeqay qodobo dhowr ah oo dhinayadu ku heshiiyeen. Qoddobada lagu heshiiyay ayaa waxaa ka mid ah Arrimaha Amniga Qaranka, Tubta Siyaasadda loo […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »