“Author Archive”
Stories written by akguled

Ciidanka Booliska oo Sharaxaad ka Bixiyey Sababta Keentay inay Xabsiga Dhigaan Agaasimihii Telefishanka Universal ee Somaliland iyo Nin Shalay lagu Xidhay Magaaladda Burco  DAAWO

Hargaysa17. February 2018 (SDN/QJ):-Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland ayaa maanta faahfaahin ka Bixiyey Sababta Keenta Xadhiga agaasimaha Telefishanka Universal ee Somaliland Maxamed Caabi oo Maanta la Xidhay iyo eedaysane labaad oo lagu Magacaabo Saleebaan Ibraahin Maxamud oo Shalay Lagu xidhay Magaaladda Burco.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Madaxweyne Muuse Biixi oo u Cadeeyay Wefti Sare oo ka Socda Urur Goboleedka Igad in Somaliland aanay ka Laabanayn Gaadhitaanka Ciidankeeda ee Degmada Tuko-raq SAWIRO

Hargaysa17. February 2018 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu xafiiska ku qaabiley wefti  ka socda urur-goboleedka IGAD, oo uu hoggaaminayey ergeyga gaarka ah ee Ururkaasi u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya,  Amb. Maxamed Guyo, oo uu wehelinaayey Cabdulkarim Maxamed oo ah la taliyaha arrimaha siyaasadda ee IGAD. Ugu horrayn madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu weftiga […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland oo Abaalmarino Gudoonsiiyey Orod-yahano ka Tirsan Ciidanka Booliska oo Guul soo Hooyay DAAWO

Hargaysa17. February 2018 (SDN/QJ):-Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Gaas C.laahi Fadal Iimaan ayaa maanta abaal marino kala duwan gudoonsiiyey Orodyahanada Ciidanka Booliska ee Guusha ka soo hooyay Tartan Orodka Maaratoonka ah oo Shalay Lagu qabtay Caasimadda Hargaysa Isla  markaana ay ka qayb qaateen Orodyahano Somaliland u dhashay iyo Kuwo Dalalka Dibada ka yimid.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Wasaaradda Shaqo gelinta Somaliland iyo Mas’uuliyiinta Jaaliyadda Yemen ee Somaliland ku Sugan oo ka Wada Hadlay Diiwaangelinta Ajaaniibta Yemen u dhashay ee Somaliland ka Shaqeeya DAAWO

Hargaysa17. February 2018 (SDN/QJ):-Wasiirka Wasaaradda Shaqo gelinta iyo Arrimaha qoyska Somaliland Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani ayaa maanta xafiiskeeda waxay Kulan kula qaadatay Mas’uuliyiinta Jaaliyadda Dalka Yemen ee Ku Sugan Somaliland.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Dawlada Hoose ee Caasimadda Hargaysa oo Beri Hawlgal ka Fulinaysa Suuqa Ganacsi ee Waaheen & Sababta Keenay DAAWO

Hargaysa17. February 2018 (SDN/QJ):-Duqa Caasimadda Hargaysa oo ay Weheliyaan Ku Xigeenkiisa iyo Xoghayaha Fulinta dawlada hoose ayaa maanta Kormeer ku tegay Suuqa weyn ee Waaheen ee Magaaladda Hargaysa oo dawlada Hoose beri hawlgal ka fulinayso.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Laascaanood:Dhacdo Cajiib ah Wiil Soo Qabsaday Xayawaanka Diinka & Xannuun Culus oo Asiibay DAAWO

Laascaanood 17. February 2018 (SDN/QJ):-Iyadoo Mudooyinkii u Danbeeyay ay Wasaaradda Deegaanku qaaday Hawlgalo Wax lagaga qabanayo dad si sharci daro ah u Ugaadhsanaya Xayawaanka Diinka ayaa Waxaa Deegaan ka Tirsan Gobolka Sool ka dhacday in Wiil soo qabsaday Xayawaanka Diinka ay Waxyeelo caafimaad ka soo gaadhay kaas oo hada lagu dabiibayo Magaaladda Laascaanood.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Wasiirka Wasaaradda Caddaalada Somaliland oo Kaalmo Gaadhsiiyey Xabsiyada Hargaysa,Balli Gubadle Iyo Sallaxley DAAWO

Hargaysa17. February 2018 (SDN/QJ):-Wasiirka Wasaaradda Caddaalada Somaliland Mudane C.qani Maxamud Caateeye ayaa maanta deeqo kala duwan waxa uu gaadhsiiyey Xabsiyada Hargaysa,Balli Gubadle iyo Sallaxley.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Dawlada Faransiiska oo Somaliland Gaar ahaan Caasimadda Hargaysa ka furaysa Farac ka mid ah Idaacada Radio France & Xukuumada Somaliland oo soo dhawaysay DAAWO

Hargaysa 15. February 2018 (SDN/QJ):-Wasiirka Warfaafinta oo uu Weheliyo Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta ayaa Maanta Qaabilay Wefti ka Socda dalka Faransiiska oo uu hoggaaminayey safiirka dalalka Somaliland iyo Soomaaliya u qaabilsan, Amb. Antoine Sivan iyo Xubno Kale oo Booqasho ku Yimid Wasaaradda Warfaafinta.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Madaxweynaha Somaliland oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wefti uu Hogaaminayso Safiirka Denmark ee Somaliland Iyo Somalia iyo Arrimaha ay ka wada hadleen

Hargaysa 15. February 2018 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu qasriga Madaxtooyada ku qaabiley wefti  ay hoggaaminayso Safiirka Denmark u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Amb. Mette Knudsen oo ay wehelinayso Anne Elisabeth oo ah madaxa xafiiska Hay’adda horumarinta caalamiga ah ee dalka Denmark  u qaabilsan ee Somaliland ee DANIDA. Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Ra’iisal Wasaarihii Itoobiya Oo Faah-faahin Dheer Ka Bixiyay Sababaha Ku Kelifay Is Casilaadii uu Maanta Ku dhawaaqay DAAWO

Addis Ababa 15. February 2018 (SDN/QJ):-Ra’iisal Wasaarihii Dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn oo goordhayd is casiley ayaa hada Faah-faahin ka bixiyay sababaha uu iskaga casiley Xilkii. Ra’isul wasaarahe Desalegn oo xilkaasi hayey tan iyo September 21, 2012, bil kadib geeridii Meles Zenawi  ayaan la ogeyn sababta uu isku-casilay. Hase-yeeshee, waxa dalkaa ka socday dhawrkii sannadood ee u dambeeyey […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »