“Author Archive”
Stories written by akguled
Hargaysa 03. February 2018 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si waafi ah bulshada ugu sharraxay muhiimadda ay leedahay kala duwanaanshaha afkaarta iyo ra’yi-yada siyaasiyiinta dhexdooda ah, waxaana uu tilmaamay inaanay jirin colaad dhex taalla oo warwar gelisa bulshada inteeda kale. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo maanta ka hadlay madal lagu xusayey sanad-guurada 24-aad ee kasoo wareegtay aas-aaska […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa 03. February 2018 (SDN/QJ):-Taliyaha ciidamada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa ugu horrayn si faah-faahsan uga warramay marxaladihii kala duwanaa ee uu ciidanka qaranku soo maray, horumarka uu sameeyey iyo sida ay ciidanku udub-dhexaadka ugu yihiin jiritaanka qaranka, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Maalinba maalinta ka dambaysa ciidanka qaranku […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa 03. February 2018 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay munaasibadda sanad-guurada 24-aad ee kasoo wareegtay aas-aaska ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo lagu qabtay xarunta taliska guud ee ciidanka qaranku ku leeyahay caasimadda Hargeysa. Munaasibaddan oo ay ka qayb-galeen madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Yagoori 03. February 2018 (SDN/QJ):-Waxaa Degmada Yagoori iyo Deegaanka Canjiid ee Gobolka Sool la gaadhsiiyey Raashin ay Xukuumadda Somaliland ugu talo gashay dadka danyarta ah ee deegaankaasi ku nool.
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa 03. February 2018 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa saaka kormeer ku tegay xerada ciidanka qaranka Somaliland ee Birjeex oo dayac-tir lagu sameeyey, xayndaab cusubna lagu wareejiyey, waxana uu badhtamaha xerada salaan kaga qaatay cutub katirsan ciidanka qaranka, iyada oo uu taliyaha ciidanka Sareeye gaas Nuux Ismaaciil Taani uu kormeerkaas ku wehelinayey. Madaxweyne […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Burco 01. February 2018 (SDN/QJ):-Laba Qof ayaa ku dhaawacmay rabshado maanta ka dhacay Magaalada Burco kadib markii ay dawlada hoose ee Magaaladaasi samaysay hawl gal ay ku banaynaysay jid ku yaala xaafada October ee magaaladda Burco waxaana is maandhaaf ka dhex dhashay dadweynaha degen xaafadaasi iyo Ciidanka Booliska ee qaybta ka ahaa hawl-galkan.
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Burco 01. February 2018 (SDN/QJ):-Maamulka Dawladda Hoose ee degmada Burco, ayaa jabiyay wareegto Wasaaradda Hawlaha Guud ay Maayarrada kaga joojisay sharciyaynta iyo qorshaynta dhulka bannaan ee Magaalooyinka dalka iyo bixinta dhulka danta guud oo soo baxday 3-dii Bishii hore. Maayarka Burco Maxamed Yuusuf Cabdiraxmaan (Murad) iyo ku-xigeenkiisa Maxamuud Xasan Jaamac (Xoday), ayaa ciidanka qaranka ee […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa 01. February 2018 (SDN/QJ):-Wasaaradda Waxbarashada Somaliland, ayaa soo gebogabaysay Imtixaan la qaadayey Arday ku hadhay Imtixaankii Shahaadiga ahaa ee sannad-dugsiyeedkii 2016-2017, kuwaasi oo mar labaad Imtixaan laga qaaday, ka dib markii Afar bilood loo waday Waxbarasho Kaabis ah. Gebogabada Imtixaankan shahaadiga ah waxa faahfaahin ka bixiyey Agaasimaha waaxda tayaynta Waxbarashada ee Wasaaradda Waxbarashda iyo […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Muqdisho 01. February 2018 (SDN/QJ):-Shirka Goloha Wasiirradda ee Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, oo uu shir gudooominayay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta looga hadlay, soo bandhigidda jadwal-howleedka shaqo ee tubta siyaadda loo dhanyahay, Warbixin ku hadlaysa xaaladda Wabiyadda Daawad iyo Shabeelle, Sharciga Shirkadaha oo loo qaybiyay goloha wasiiradda, Warbixn ku saabsan shirka Dhaqaalaha […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa 01. February 2018 (SDN/QJ):-Xoghayihii Dawladda Hoose ee Hargeysa Md. Cali Xasan Cawaale, ayaa ku dooday in sifo aan sharci ahayn xilka looga qaaday, isla markaana aan waxba laga qaban warbixin la xidhiidha musuqmaasuq uu hore ugu gudbiyey Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland. Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Kaahin, ayaa wareegto uu soo saaray shalay, […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »