“Author Archive”
Stories written by akguled
Hargaysa 08. February 2018 (SDN/QJ):-Kadib Markii uu Madaxweyne Muuse Biixi hal wasaarad Isaga dhigay Wasaaradii Xannaanadda Xoolaha Iyo Wasaaradii Kalluumaysiga iyo Khayraadka bada ayaa Labadii Agaasime Guud ee Wasaaradahaasi lahaayeen lagu soo waramayaa inuu Khilaaf ka dhex taagan yahay.
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Minnesota 08. February 2018 (SDN/QJ):-Prof Cali Khaliif Galaydh oo Ku Sugan Dalka Maraykanka ayaa Kulan la qaatay Dadka ka soo jeeda Gobolada Sool,Sanaag iyo Buuhoodle. Waxa uu Prof Cali Khaliif Sheegay in Somaliland ay soo dhawaysay Xiligii Maamulka Khaatumo ay dhisayeen isla markaana Madaxweynihii hore ee Somaliland uu amray inay ka Nabadgalayaan Somaliland. Prof Galaydh mar […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hiigsiga iyo hammiga adduunku wuxuu ahaa soo jireen laga soo bilaabo markii adduunkan Eebbe (SWT) korkiisa inagu uumay, waana xikmad Ilaahiya ah si aynu geeddiga nolosha ula talaabsanno isla markaana hore aynu ugu soconno dariiqiisa wanaagsan kana dabaallano carqaladaha inaga hor yimaadda uguna mahadnaqno nimcooyinka uu ina siiyey. Sidaa awgeed, anigoo arrintaas ka duulaya ayaa […]
Posted in Features | Read More »
Hargaysa 08. February 2018 (SDN/QJ):-Kal-fadhigii shanaad (5aad) ee ay yeeshaan golaha wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-gudoominayey Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi kuna wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo ka qabsoomay maanta oo ay taariikhdu tahay 08.02.2018, Madaxtooyada Somaliland, ayaa waxaa si mug leh loogu lafo-guray dagaaladda […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa 08. February 2018 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan gaar ah xafiiskiisa kula qaatay Guddoomiyeyaasha labada xisbi mucaarid ee WADDANI iyo UCID, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Eng. Faysal Cali Waraabe. Kulankan oo ah kii saddexaad ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md Muuse Biixi Cabdi la yeesho hoggaamiyeyaasha xisbiyada mucaaradka […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Garowe 08. February 2018 (SDN/QJ):-Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cabdiweli Gaas, ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ka codsaday in maamul u gaar ah loo sameeyo gobalada Sool iyo Sanaag ee Somaliland. Dr. Cali Khaliif Galaydh oo dadweyne kula hadlayay dalka Maraykanka, ayaa sheegay in dalabkaas uu Mr. Gaas ula tagay Farmaajo uu kala kumay jawaab aanu […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Burco 06. February 2018 (SDN/QJ):-Maxamud Cali Saleebaan Ramaax Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Togdheer haatana uu Madaxweyne Muuse Biixi u Bedelay Gobolka Gebilay ayaa xili uu maanta ka hadlayay Munaasibad uu ku wareejinayay Xilkii Gobolka Togdheer waxa uu daboolka ka qaaday in Magacaabista Gudoomiyaha uu Xilka ku wareejinayo Xamse Cadow yuururaa ay la xidhiidho kala qaybsanaan […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa 06. February 2018 (SDN/QJ):-Xukuumadda Somaliland ayaa Maanta Waxay go’aano adag ka soo Saartay Gudniinka Fircooniga ah iyadoo Maanta Dunnida laga Xusayo Joojinta Gudniinka Fircooniga ah. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland ayaa Fadwadan ka soo baxday Wasaaradda Diinta iyo awqaafta Waxa uu ka Jeediyey Xuskii maanta loo qabtay Joojinta Gudniinka fircooniga ah. […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa 06. February 2018 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel) ayaa daadifeeyay eedaha mucaaridku u jeediyeen go’aanka iyo qorshaha xukuumadda ee wax ka qabashada sicir bararka, isla markaana waxa uu qiray in qorshahaasi aanu dhameystirnayn oo aanu wax ka tarayn. Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Shabeel oo shalay warbaahinta […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Muqdisho 06. February 2018 (SDN/QJ):-Cabdillaahi Maxamed Sanbaloolshe oo ah Taliyihii hore ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA, isla markaana ahaa Xildhibaannimo uu ka tegay markii Xilkaas loo magacaabay uu banneeyey toddobaadkan dhammaaday u tartamay, balse sheegay inay Dawladdu dagaal ku hayso, ayaa Waraysi kulul uu la yeeshay Weriye Dulyar oo ah ka tirsan Suxufiyiinta […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »