“Author Archive”
Stories written by admin

Kismaayo oo dagaal Dhimasho dhaliyay oo ka dhaca Kismaayo

Kismaayo November 23, 2024(QJ) – Maanta waxaa magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Jubaland ka dhacay iska hor imaad sababay dhimasho iyo dhaawac. Dagaalkan ayaa u dhaxeeyay Ciidamada Booliska Magaalada Kismaayo iyo Ilaalada Senator Ilyaas Gaboose oo ka mid ah Musharixiinta u taagan Xubinimada Baarlamaanka Jubbaland. Iska horimaadkan ayaa ka billowday markii […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Baarlamaanka Soomaaliya oo Ansixiyay Xeerka Doorashooyinka

Muqdiaho November 23, 2024(QJ) – Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si wadajir ah u ansixiyay sharciga Doorashooyinka Qaranka. Kulanka wadajirka ah ee labada Aqal ayaa waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo ku xigeennada labada Aqal. Mahdi […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Turkiga oo hambalyeeyay Madaxweynaha La Doortay Cabdiraxmaan Cirro

ANKARA November 23, 2024(QJ) Dawladda Turkiga ayaa dhambaal hambalyo ah u dirtay Madaxweynaha cusub ee loo doortay Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, isagoo rajo ka muujiyay in dib loo bilaabo wada-hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya. War saxaafadeed ka soo baxay safaaradda Turkiga ee Soomaaliya ayaa ugu horeyn loogu hambalyeeyay doorashadii ka dhacday Somaliland, iyadoo xustay inay […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Israiil oo dooneysa in ay Saldhig ka sameysato Somaliland

Tel Aviv November 22, 2024 (QJ) – Israa’iil ayaa danaynaysa in ay saldhig milatari ka samaysato Somaliland si ay ula socoto weerarada Xuutiyiinta Yemen iyo marin biyoodka Bab al-Mandab, sida lagu daabacay mareegaha wararka ee dawladda Qatar Salaasadii. Sida lagu sheegay warbixinta, beddelkeeda, Israa’iil waxay xidhiidh la samayn doontaa Somaliland, oo ka talisa waqooyiga Soomaaliya, […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Turkiga oo Soomalaiya ka dhisanaya Xarun Dayaxgacmeed

Ankara November 22, 2024(QJ) Turkiga ayaa Soomaaliya ka dhisi doona xarun lagu tijaabiyo gantaallada riddada dheer iyo gantaallada riddada dheer, sida lagu daabacay mareegaha wararka dowladda taageera ee Sabah Khamiistii, iyadoo soo xiganeysa hadal uu jeediyay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan. Madaxweyne Erdogaan ayaa la sheegay inuu arrintan ku dhawaaqay intii lagu jiray shirkii Golaha […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Japan oo qalab casri ah ugu deeqay Booliska Soomalaiya

Muqdisho November 22, 2024(QJ) Dowladda Japan ayaa si rasmi ah ugu deeqday qalab casri ah oo muhiim u ah howlgallada booliiska Soomaaliya, gaar ahaan qeybta miino baarista. Deeqdan oo ka koobneyd Tiknoolajiyaddii ugu dambeysay ayaa lagu wareejin doonaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxaana ay muhiim u tahay xoojinta awoodda Booliska ee ka hortagga walxaha qarxa. General […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Baarlamaanka Jubaland oo dib u doortay guddoomiyahoodii

Muqdisho November 21, 2024(QJ) – Baarlamaanka cusub ee dowlad goboleedka Jubaland ayaa goor dhoweyd magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland ku doortay guddoomiye cusub, kadib doorasho natiijadeeda horay loo sii ogaa. Labo musharrax ayaa u tartamay xilka guddoomiyaha baarlamaanka Jubaland oo kala ahaa Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo xilkan horay u soo qabtay iyo […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Beesha Caalamka oo ka walaacsan khilaafka Gollaha Wadatashiga

Muqdisho November 21, 2024(QJ) – Saaxiibada Caalamka ayaa ka walaacsan khilaafka sii xoogeysanaya ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Jubbaland, kadib shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee dhawaan ay yeesheen. Waxaan ku dhiirigelinaynaa dhammaan daneeyayaasha inay ka qaybqaataan doodo macno leh oo loo dhan yahay oo ku saabsan habka doorashada. Dowlad Goboleedka Jubaland waxaa […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

QM oo sheegtay in ISIS ku soo qulquleyso Soomaaliya

NY November 21, 2024(QJ) Tirada dagaalyahanada Ajaanibta ah ee ku biiraya Kooxda Daacish ee ka dagaalanta Soomaaliya ayaa mar kale la sheegay inay sii kordhayaan, waxaana arrintani lala xiriirinayaa sida Qaramada Midoobay ay ku tilmaantay qulqulka dagaalyahanada Ajaanibta ah. Warbixin dhawaan ay soo saartay kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan la socodka arrimaha Soomaaliya ayaa ka […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Denmark oo sheegaty in ay taageersantahay midnimada Soomaaliya

Muqdisho November 20, 2024(QJ) Safiirka Denmark u fadhiya Soomaaliya, Steen Sonne Andersen, ayaa bartiisa X/Twitter ku soo bandhigtay kulan uu la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Macallim Fiqi. Dooddu waxay ku saabsanayd in la caddeeyo hadalladii ka soo baxay doorashooyinka Somaliland, midnimada Soomaaliya iyo iskaashiga labada dal. Danjire Andersen waxa uu kulankaas ku […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »