|

ATMIS oo wareejisay xero ciidan

Muqdisho June 17, 2024 (QJ)-Taliska ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa sheegay in ay isaga baxeen saldhigga Bariire, iyagoo mas’uuliyadda amniga ku wareejiyay ciidamada ammaanka Soomaaliya, taasoo qyeb ka ah wajigii saddexaad ee dhimista ciidamada.

ATMIS waxa ay tilmaantay in Saldhigga Millitari ee ku yaalla Gobolka Shabeellaha Hoose, oo tan iyo 2019 ay gacanta ku hayeen Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka ATMIS, uu yahay mid muhiimad Istaraatiji ah u leh, maadaama ay u tahay Xarun Difaaca, oo qiyaastii 60-KM dhanka Galbeed kaga beegan Caasimadda Somalia ee Muqdisho.

Mukhtaar Axmed oo ka tirsan madaxda ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ku ammaanay ciidamada Uganda sida ay uga go’an tahay nabad ilaalinta iyo doorka ay ka qaadanayaan xaqiijinta xasiloonida Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in ciidamada Somalia ay sii wadi doonaan taageerada ay siinayaan dadaallada lagu xaqiijinayo ammaanka deegaanka Bariire, si shacabka looga ilaaliyo weerarada Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee hubeysan.

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa Soomaaliya kala baxay 5,000 oo askari, waxaana la xiray 17 xarumood tan iyo markii uu billowday wajiga koowaad iyo labaad ee ka bixitaanka ciidamada sanadka 2023-ka.

Wajiga saddexaad ee ka bixitaanka ATMIS waxa uu waafaqsan yahay qaraaro ka soo bxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay kuwaas oo ku baaqaya in la dhimo 4,000 oo askari dhammaadka June 2024.

Comments are closed