|

ATMIS oo wareejisay xeradii 4aad

Kismyo June 29, 2024(QJ)-Ciidamada ATMIS ayaa ku wareejiyay Saldhigga Cabdalla Biroole ee Gobolka Jubbada Hoose Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Saldhigan ayaa noqonaya kii afaraad oo lagu wareejiyo wajiga saddexaad ee ciidamada ATMIS-ka ee dalka ka baxay.
Munaasabadda xil wareejinta ayaa waxaa goob joog ka ahaa Taliye ku xigeenka ATMIS, Sivuyile Bam, wuxuuna ku nuux nuuxsaday in ATMIS ay ka go’an tahay inay taageerto qorshaha kala guurka ee Soomaaliya si loo soo celiyo nabadda iyo xasiloonida gobolka.
Gaashaanle dhexe Muxudiin Axmed oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa si weyn ugu mahad celiyay ciidamada ATMIS-ka ee ka socda dalka Kenya sida ay naftooda ugu hureen ka qeyb qaadashada amniga guud ee Jubaland.
Santosh Koka, oo ah sarkaal ka tirsan Xafiiska Qorsheynta Kala-guurka ee UNSOS, ayaa sheegay in UNSOS ay sii wadi doonto bixinta taageerada saadka si loo xaqiijiyo isbeddel guul leh.

Comments are closed