|

Askartii dili laheyd Madaxweyne Erdogan Saacadihii Inqilaabka Dhicisoobay Socday oo la qabtay

Hargaysa, 01,Aug 2016 – (SDN/QJ): – Ciidammada gaarka ah ee Turkiga ayaa lagu soo warramayaa in ay qabteen koox ka tirsan askarta dalkaasi oo looga shakisan yahay in bilowgii afgambigii dhicisoobay ay isku dayeen inay qabsadaan Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

160801085654_turkey_commando_512x288_bbc_nocreditWararka ayaa sheegaya in ilaa iyo koob iyo toban xubnood oo baxsad ka ahaa kumaandoosta lagu qabtay afaafka hore ee magaalada loo tamashlaha tago ee Marmaris halkaasi oo uu Madaxweyne Erdogan uu fasax ku joogay.
Erdogan ayaa isaga baxay hoteelkii uu ku sugnaa xilligaasi kaddib markii uu helay xog hoose oo ku saabsan in ciidamo fallaagoobay ay ku soo wajahan yihiin hoteelka, halkaa oo markii dabme ay askartaasi galeen.
Saraakiisha Turkiga ayaa sheegay in diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo kuwa aanay cidina wadin loo adeegsaday in lagu raadiyo ciidammadaasi baxsadka ah.
Arrintan ayaa timid kaddib markii dadka deegaanka oo ka ugaarsanayay keyn halkaa ku taal ay raggaasi ku arkeen oo ay soo sheegeen.
Intii uu socday howlgalka ayaa waxaa la iswaydaarsaday rasaas hasayeeshee lama soo sheegin wax khasaare ah.

Comments are closed