Askarigii U Danbeeyay Ee Ka Qayb Galay Dagaalkii Falastiin Iyo Yuhuuda 1948kii Oo Geeriyooday !
Hargaysa 24.March 2017 (SDN/QJ):- Sanadkii 1948kii waxa dhacay dagaalkii ay wada galeen Yuhuuda iyo taxaalufkii ay ku midoobeen waddamada carbeed, waxaana ka mid ahaa ciidammadii waddamada Carbeed ee ka qayb galay Dagaalkaasi Ciidammada Dalka Ciraaq.
Haddaba, Askari ka mid ahaa Ciidammadii Dalka Ciraaq ee ka qayb galay Dagaalkaasi ayaa Geeriyooday oo la xaqiijiyay inuu ahaa Askarigii ugu danbeeyay ee ka sii noolaa Ciidammadaasi.
Askarigan oo magaciisa la odhan jiray Xuseen Maxamed Cabdalla Al-saamar’I ayaa waxa uu geeriyooday isaga oo ay da’diisu tahay 95jir, markjii uu ka qayb galay dagaalkaasina waxa uu ahaa 24 jir waxaanu ahaa Injineer ku takhasusay dhinaca Electronic-ga, dhinaca kale warbaahinta labada Dal ee Falastiin iyo Ciraaq ayaa si ballaadhan u qaadaa dhigtay Askarigan ka soo hadhay ciidammadii ka qayb galay dagaalkaasi waxaanay sheegeen inuu hayey xog aad u badan, Xuseen ayaa waxa uu geeriyooday kadib markii uu aad u xanuunsaday oo uu Koomo ku jiray muddo laba maalmood ah.