|

“Askarigii Isbaaro dhigtaa Wiilashayda ka mid maaha, Tiir baana sugaya..” Madaxweyne Farmaajo & Khudbadda Safarkiisa Afgooye DAAWO

Afgooye 10. May 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa Khudbad uu arrimo kala duwan oo dhawr ah iyo hoggaamintiisa 4-sano ee xilka loo doortay kaga hadlay ka jeediyey degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose oo uu Safar dhinaca dhulka ah ku tegay, waxaanu sheegay in Tallaabo laga qaadi doono Askari kasta oo dawladda ka tirsan oo lagu arko isaga oo Isbaaro dhigtay oo Shacabka iyo Gaadiidka Lacag ka urursanayo.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa Khudbaddiisa ka hor dhegeystay Tabashooyin iyo Talooyin is-barkan oo ay u jeediyeen Odayaasha, Madaxda Dhaqanka, Culumada, Haweenka iyo Dhalinyarada degmada Afgooye, waxaanu sheegay in dawladdu wax ka qabanayso tabashooyinka ay sheegteen reer Afgooye, isla markaana hadalkooda ay uga soo dhex-baxeen saddex qodob oo ay ka mid tahay dib-u-heshiisiin uu ballan-qaaday in laga bilaabi doono Afgooye.

 

“Markaan hadalkiinna dhegeystay waxaa ii soo baxday in saddex arrimood ay magaaladan u baahan tahay, waana dib-u-heshiisiin, dib-u-dhis iyo dib-u-xoreyn. Saddexdaas waxaa aasaas u ah cadaaladda. Dawladdan waxay ballan-qaadaysaa dib-u-heshiisiin, waxaanay ka bilaabaysaa Degmada Afgooye haddii Alle idmo.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Comments are closed