|

Askari reer Jabuuti ah oo ku geeriyooday cusbitaal Nairobi ku yaal

Nairobi Mar 13,2012(SDN)-Askari ka tirsanaa ciidamada AMISOM ee Muqdisho ka hawlgala oo u dhashay Jabuuti ayaa shalay ku geeriyooday cusbitaal ku yaal Nairobi.

Askarigan oo ka mid ahaa askar dhaawac uu ka soo gaadhay qarax dhawaan lala beegsaday xarunta ciidamada Jabuuti ee Muqdisho ayaa dhaawiciisa lagu dhayay magaalada Nairobi oo uu ku geeriyooday.

Qaraxaa lala beegsaday fadhiisin ciidamada Jabuuti ay ku leeyihiin wadada wershadaha ee Muqdisho ayaa waxa ku geeriyooday labo askari oo kale.

Askarigan shalay dhawaca u geeriyooday ayaa isla shalayba loo qaaday dhanka Jabuuti si halkaa aas loogu sameeyo.

Dawlada Jabuuti ayaan weli ka hadal dhimashada ciidamadooda ka tirsan AMISOM.

Jabuuti ayaa 900 oo askari ay ka joogaan magaalada Muqdisho.

SDN-Nairobi

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed